HEMA BOOKS: XARUN LAGU IIBIYO AGABKA WAXBARASHADA OO LAGA FURAY DHISMAHA CUSUB EE INDHA BIRTA [EX-W/ DUULISTA

0
936

Hargeysa(Halsan):-  Shirkadda HEMA books, ayaaa maalintii shalay  xarun cusub ka samaystay dhismaha cusub ee Indho birta (dhismihi wasaaradii hore ee Duulista iyo Hawadda),kuwaas oo dalka ku soo kordhiyey xarumo buugaagta waxbarashadda qaybaheeda kala duwan iyo Agabkooddaba laga helo. Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtey xarunta cusub ee Shirkada Buugaagta Hema Books, waxaana ka soo qaybgallay maamulka sare ee shirkadda HEMA, wasiir ku xigeenka waxbarashadda iyo tacliinta sare, Agaasimaha manhajka ee wasaaradda waxbarashadda, agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro), masuuliyiinta dugsiyadda waxbarashadda, aqoonyahanno iyo Marti sharaf kala duwan. Ugu horeyn waxa shirkadda HEMA Books ujeedada loo aasaasay iyo waxay kaga duwan tahay shirkadaha kale sharaxad ka bixiyey maamulaha guud ee shirkadda Hema Cabdiraxmaan Nuur Cigaal, waxaanu yidhi “  waxaan marka hore mahad balaadhan u celinaynaa ilaahay oo  inoo suurogaliyey in xaruntan casriga ah ee HEMA Books iskugu nimaadno, waxa kale oo mahad labaad iska leh masuuliyiinta ay ka midka yihiin wasiir ku xigeenka waxbarashadda iyo tacliinta sare, Agaasimaha wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga, Sheekh Aadan Siiro, aqoonyahanka iyo marti sharafta kale ee nagala soo qaybgallay munaasibadda daahfurka Shirkadda HEMA Books.” Cabdiraxmaan Nuur Cigaal ayaa sheegay in shirkadoodu wadanka ku soo kordhisay adeeg ku cusub oo ka kooban dhamaan agabkii waxbarashadda lagama maarmaanka u ahaa, isagoo arrintaasi sharaxayana, waxa uu yidhi “Haddii warbixin kooban idinka siinno shirkadda HEMA Books, waa shirkadda iibisa dhamaan qalabka dugsiyadda iyo jaamacadaha waana shirkadii ugu horeysay ee nooceedda ah ee laga furo Somaliland. Shirkadan HEMA waxa loo asaasay in ay ka qayb qaadato tayeynta waxbarashada Somaliland. Waxaanu keenay oo aanu iibinaa dhamaan agabka waxbarashada sida:

  1. Buugaagta dugsiyada hoose, Dugsiyadda dhexe iyo sare, iyo kuwa jaamacadaha oo aanu ku iibin doono qiimo aad u jaban si qofkasta oo Somaliland jooga caruurtiisa buugaag ugu helo, taas oo kor u qaadi doonta tayada waxbarashada dugsiyadda iyo ardayda Somaliland.
  2. Sidoo kale, waxaanu keenay buugaagta akhriska guud “general reading books” taas oo aanu ugu tallo-galnay in dadka waaweyn iyo ardayduba iibsadaan oo akhristaan si aqoontoodu kor ugu kacdo.
  3. Waxa kale oo aanu xaruntan u diyaariney dhamaan qorayaasha Af Soomaaliga wax ku qora, guddo iyo dibadba, si aanu kor ugu qaadno dhaqanka iyo luuqada Afkeeno Hooyo. Waxaanu ku dhiiri-gelinaynaa dhamaan qorayaasha in shirkadani diyaar u tahay in ay kala shaqayso diyaarinta, suuq-gaynta iyo iibinta buugaagta ay rabaan inay qoraan ama kuwa ay hore usoo qoreen. Waxa iminka idiin diyaara ah goob Buugaagta lagu Kaydiyo (book store) oo aad kusoo bandhigtaan buugaagta aad qorteen ama qori doontaan Insha Allah.
  4. Waxa kale, oo Bushaaro weyn ah, Maadaama oo aynu nahay umad 100% muslim ah, waxaanu xoogga saarnay buugaagta cilmiga shareecada islaamka iyo kuwo af-carabiga ku qoran si aanu kor ugu qaadno aqoonta diinta iyo saqaafada carabiga ee dalkeena.
  5. Shirkadda HEMA waxay keentay dhamaan agabkii shaybaadhka dugsiyada sare (science labs) ee maadooyinka Chemistry, Biology and Physics. Aduunka casriga ahna waa laga baxay ardaygii hadal uun wax ku baran jirey ama macalinku casharka uun u akhri jiray  (theory), waxaana loo baahan si uu ardaygu fahamkiisu kor ugu qaadmo in shaykasta oo la dhiganayo ardaygu helo (Practical) , iyadoo si toos ah loo qabanayo, sidaa darted, waxaanu u suurto-galin doonaa iskuul kasta inuu yeesho xaruntii tijaabadda ardaygu ku gali lahaayeen “science lab”  oo uu ardaygu practicalka ku samayn lahaa.
  6. Intaas kuma koobnaa ganacsiga aanu samayney, ee waxaanu keenay agabkii kale ee ardayda iyo macalimiinta ka caawin lahaa waxbarashada sida buugaagtii wax lagu qorayey, qalimaantii, ciyaarihii waxbarashada (educational games and toys) iyo agab kale oo aad u badan oo Ardayda fahankiisa kor u qaadaya.
  7. Intaas waxaa dheer, waxaanu talooyin iyo tababar siinaa iskuulada, macalimiinta iyo waalidiinta sidii kor ugu qaadi lahaayeen tayada waxbarashada ardayda, macalimiinta iyo iskuuladooda.”. Cabdiraxmaan Nuur Cigaal, maamulaha shirkadda HEMA Books waxa uu intaas ku daray “ HEMA Book store wuxuu furnaan doonaa 7:00 subaxnimo ilaa 8:00 habeenimo, waxaana jooga shaqaale u tababaran iibinta buugaagta. Waxa kale oo aanu ugu bushaaraynayaa macaamiisha HEMA in ay buugaagta ku iibsan karaan online, iyagoo guryahooda iyo xafiisyadooda fadhiya. Anagoo ka faa’iidaysanayna technologyga casriga, shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka ka jira, iyo baananka casriga ah ee dalka ka hirgaley, waxaanu dhowaan soo bandhigi doonaa siduu u shaqayn doono barnaamijkan E-commerce (online shopping) oo ah sidii aad Internetka uga iibsan lahayd Buug kasta oo aad u baahantahay, taas oo fududeynaya inaad si dhakhso ah u hesho Buugaagtaad u baahan tahay, waxaana uga dan leenahay sidii macaamiisha HEMA uga faa’iidaystaan. Waana fursad kale oo waalidka, macalimiinta iyo Arayda usoo korodhay. Waxaan kale oo macaamiisha ugu bushaaraynaa inaanu maanta halkan ku daahfurayno barnaamijka jumlada oo shirkadu ay bilowday in qofkii jumlad wax ku iibsanaya buugaagta iyo qalabka kale laga iibinayo.Shirkaddu waxay xarumo sidan oo kale ah ka furaynaa magaalooyinka waaweyn ee Somaliland inta aanu sanad-dugsiyeedka dambe dhamaanin. Meelaha aanu gaadhi kari wayno, waxaanu samayn doonaa wakiilo dadka gaadhsiiya buugaagta iyo agabka kaleba. Waxaan si gaara ugu bushaaraynaa bookshops badan ee ka jira magaalooyinka waaweyn inay ka faa’iidaystaan fursadan oo ay lasoo xidhiidhaan xarunta guud ee shirkada HEMA. ugu dambeyn, waxaan hadalkayga kusoo xidhayaa mahadnaq balaadhan oo aan u jeedinayo shaqaalaha shirkada HEMA meelkasta oo ay joogaan. Waxay laf-dhabar u yihiin horumarka balaadhan ee shirkada HEMA ku talaabsatay mudooyinkii ugu dambeeyey. Waxaan mar labaad u mahad naqayaa dadka wakhtigoogii qaaliga ahaa noogu deeqay ee munaasibadda nagala soo qaybgallay daahfurka xaruntan cusub ee HEMA.” Wasiir ku xigeenka waxbarashadda iyo Tacliinta sare, Mr: Yuusuf Cismaan Garas, ayaa soo dhoweeyey shirkadan cusub ee buugaagta waxbarasho iyo agabka waxbarashaddaba dalka keentay, waxaanu tilmaamay in aanay wadanka hore uga jirin buugaag ay ardayda iyo macalimiintu akhristaan, sidaa darteed, ay shirkaddan HEMA Books qayb ka qaadan doonto tayeynta waxbarashadda. Wasiir ku xigeenka waxbarashadda iyo Tacliinta sare Yuusuf Garas oo muhiimadda ay leedahay adeegga ay shirkadan cusubi bixinayso ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigoo ku hadlaya afka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare waxaan soo soo dhoweynayaa shirkadda HEMA Books oo dalka keentay adeeg loo baahan yahay oo ay ka mid yihiin buugaagta waxbarashada iyo agabkeedii oo dhamaystiran, aniga waxay ii tahay maalin farxad ah mar haddii aan ka soo qaybgallay xarun lagu tayeynayo ardayda reer Somaliland, hore umay jirin meel ardaygu wax ku akhristo iyo buugaag uu akhristo toona,  waxaan ka mid ahaa ardaydii wax ku baratay iyadoo aanay jirin buugag iyo xarumo sidan oo kale ah oo laga korodhsado aqoonta, runtii xaruntan waxa taalla dhamaan agabkii waxbarashadda dugsiyadad hoose ilaa kuwii jaamacadaha, waa xarun loo baahan yahay oo Ardayda waxbarata ka faa’iidaysan doonaan, inta badan waxaanu ka hadalnaa tayadda waxbarashada oo waxa la yidhaa waxbarashadda Somaliland tayadeedda kor ha loo qaado, arrintaasi waa loo baahan yahay laakiin marka aad rabtid Arday tayo waxbarasho leh waa in aad is waydiisa ardaygan ma u dhamaystiran yihiin agabkii waxbarashaddiisa fududeynayey, ardaydeena ma haystaan buugaag ay wax ka akhristaan, iyo buug uu macalinku raaco oo uu wax ka dhigo, marka aanu  macalinka iyo ardayguba haysan buugaag waxbarasho tayadda aynu doonayna ma soconayso, waa in Ardayga iyo macalinkba haystaan buugaag ku filan oo ay wax ka akhristaan”. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) ayaa isna soo dhoweeyey shirkadan Buugaagta waxbarashada dalka keentay, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in ardaydeenu helaan buugaag jaban oo ay wax ka bartaan. Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaaladda Hargeysa oo ka hadlaya muhiimadda ay shirkadani u leedahay qaranka , waxa uu yidhi“qaran waxa uu ku dhismaa laba shay waa aqoonta iyo hogaan toosan, shirkadda Hema Books waxay soo bandhigtay daabacaad jaban iyo buugaag jaban oo la jaan qaadaya dhaqaalaha dalka, dalkeena waxa waxbarasho aroortii u kalaha in ka badan shan boqol oo kun oo arday,  laga bilaabo dugsiga hoose ilaa heer Jaamacadeed dhigta, ardaydaasi may haysan buugaag waxbarasho iyo agab waxbarasho toonna, waxaase alla mahaddii ah mar haddii shirkadan HEMA dalka keentay buugaag caalamka la jaan qaadaya oo waxbarashadda kor u qaadaya, sidaad la wada socotaan dhalinyaradda dalka ku nooli waa 70%, waxay u baahan yihiin waxbarasho tayo leh iyo buugaagtii ay wax ka akhrisan lahaayeen, aad baan ugu faraxsanahay in aynu helno xarun lagu iibiyo buugaagta waxbarashada iyo agabkeedda,waxa loo baahan yahay dalkan in la maalgashado oo qof waliba kartidiisa waa inuu qarankan galiya, waa nasiib wanaag in ilmaheena koonayaasha magaladda jooga ee buulka ku jira ay maanta awoodi karaan inay iibsadan buugaagtan, halka barigii hore ay adkeyd inuu ilmo danyar ahi buugaagtan oo kale iibsado oo inta lacagta leh buugaagta iibsan jireen,  waxaan ka mid noqon doonaa askarta Hema Books leedahay inta ay ku shaqaynayso kartidaasi ay galiyeen umadoodda, waxaan aad ugu mahadnaqayaa shirkadda Hema, Masuuliyiinta dawlada ka socota iyo warbaahinta oo dadka khayrka gaadhsiiya”. Agaasimaha ganacsiga iyo maalgashi Cabdirashiid Axmed Guuleed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “maanta waxa farxad inoo ah in aynu daahfurno bookshopkan weyn ee HEMA soo abaabushay, waxaanay wax weyn ka tari doonta baahiddii loo qabay tayeynta aqoonta, wax badan ayey ka bedeli doonta aqoonta bulshadeena, waxay mudan yihiin in la dhiirigaliyo waana ku mahadsan tihiin in ardaydeenii helaan buugaag ay ka akhristaan casharadda iyo buugaag ay tixgaliyaan, xarumaha noocan oo kale waa kuwo loo baahan yahay oo faa’iido badan u leh bulshadeena waana soo dhoweynayaa shirkadda HEMA Books

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here