Haybadii’ Halyeeynimadii’ Iyo’Halgankii’ M/weyne’ Muj’ Axmed Siilanyo”Sow’ Haamahani’ Horseedan’ Colaad’

0
641

Xukuumadda Muj Axmed Siilanyo waxay xooga iyo talada saartay maalgelin iskuna   deyday dhaqaallee kobcin loo baahna waxa’se kahor yimi oo caqabad ku noqoday laba masiibo kow.”??

Madaxweyne Muj Axmed Siilanyo ee laga haybadeysan jiray go’aankiisa siyaasaddiisa dhaqan yahanimadiisa aftahanimadiisa oo aan Axmed’kii ahayn laakiin u weli aaminsanyahay  inuu isagu shuukanta ama steerinka hayo qofna kama dahsoona dee’ waayo dadkiisa dalkiisa iyo khilaaf kastoo yimaada jira’hadal iyo afmiisharnimo ayuu ku daweyn jiray.

Mucaaridkiisa siyaasadeed si hawl yar ayuu usoo dhaweyn jiray xero gelin jiray siiba odeyaasha dhaqameedka Beelaha Somaliland saaxiibtinimo odey’tinimo karaamo ciseyn leh ayuu la’lahan jiray kuna kasbadey taageeradii cuduudii hiilki doorashooyiinkii madaxtooyada ee ku guulaysday Kulmiye.

Bal hadaba  maanta haamahan habaarka qaba iyo hawlaha Berbera ila arrinti warshada Sibidhka oo sidaas oo kale loo siyaasadeeyey lana horjoogsaday in cidba dhisato amase maal gaashato loo diiday nidaam reeraysan caadifadeysan darteed’

Haddi aynu dib u xasuusan karno dagaaladii sookeeye ee sagaashamaadkii Berbera madaarka Hargeysa Burco 1990’s waxay ka bilaabmeen  xiisado siyaasadeed oo la mid ah tan maanta oo kale ku qabso madaarka ku qabso hubka ku qabso mamuulka dekeda,’  hubaal sansankii iyo diriqii waynu haynaa

Dhawaaqa kasoo yeedhay Suldaanada facaweyn ee beesha HY  Suldan Max’ed Suldan Xirsi Qani iyo Suldaanka guud ee Suber Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi oo ahaa taageerayaashii guushii  Xisbiga Kulmiye laakiin hada dhabarka u jeediyeey Xukuumadda Axmed Siilanyo u weel samaynayaa xulufaysi cusub bah wadaag shuurako taageero siyaasadeed oo dhex marta Beesha Sacad Muuse iyo HY.”

Isku soo wada duub dagaalka haamaha ololaha musharaxiinta  Kulmiye dib u dhaca shirweynahii Kulmiye iyo Waddani waxay ka mid yihiin curyaaminta dimoqraadiyadda iyo dib u socod nidaam beeleed lasoo curiyeey.