Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ee FBI iyo CIA oo wadajir u bilaabay baaritaan cusub

0
1541

Hay’adaha faderaalka ee dalka Maraykanka ayaa billaabay baaritaan ku saabsan macluumaadkii dadwaynaha lala wadaagay ee faahfaahinayay sida ay CIA-du dadka u basaasto kaasoo ay faafisay shabakada Wikileaks.

FBI iyo CIA ayaa warbaahinta Maraykanka u shegay iska kaashanayaan baaritaankan ka dib markii uu websiteka siraha dusiya ee Wikileaks uu baahiyay kumanaan macluumaad oo laga xaday labada heyadood.

Arrintan ayaa ku saabsan sheegashada ah in CIA-du ay samaysay qaabab ay ku dhagaysato codadka dadka adeegsada taleefoonada iyo telefishinada caaqilka ama casriga ah.

Hay’adaha sirdoonka iyo kuwa dambi baarista ee FBI, CIA iyo waliba Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa dhamaantood diiday in ay ka hadlaan run ahaanshaha macluumaadkan la baaahiyay Talaadadii.

Sarkaal u hadlay CIA ayaa sheegay Arbacadii in ay tahay in dadka Maraykanku ay ka walwalaan wax kaste oo uu shaaciyo Wikileaks oo looga gol leeyahay in lagu dhaawaco awoodii ay sirdoonku dadka Maraykanka kaga difaaci lahaayeen argagixisada iyo kuwa kale ee ka soo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here