Hay’ada Maamul Wanaaga Somaliland Oo Baadhis Ka Bilawday Komishanka Xakamaynta Aids-ka

0
694

Hay’ada Maamul Wanaaga Somaliland Oo Baadhis Ka Bilawday Komishanka Xakamaynta Aids-ka

Hargeysa(Halsan):-Guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa ayaa baadhis ka bilaabay komishanka xakamaynta Aids-ka.

Xubno ka socda guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa ayaa tagay xafiisyada komishanka xakamaynta Aids-ka oo ay ku sugnaayeen masuuliyinta kala duwan ee komishankaasi.

Agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac oo ka hadlay baadhista ay ku sameeyeen guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, isaga oo xusay inay ku garabsiinayaan hawlaha ay qabanayaan waxaanu yidhi “Shaqo qaran ayey u socdaan guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqu wixii ay nooga baahdaana ee macluumaad ahna waanu siinaynaa, qarankana waa loo

 

wada shaqaynayaa ee taageero ayaanu siinaynaa, xafiisyaduna way u furan yihiin.”

Sidoo kale gudoomiyaha guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Axmed ayaa isaguna ka waramay baadhista ay waddaan waxaau yidhi “Shaqadani waa tii aanu qaranka u haynay taas oo ah in guddida maamul wanaagu ay baadhaan hay’addaha dawlada isaga oo eegaya heerkooda maamul iyo inay sidii saxda ahayd u qabanayaan shaqada ay bulshada u hayaan,wixii tayeyn iyo toosin u baahana la sameeyo.”

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay hay’addaha dawlada ee ay sanadkan baadhista ka samayn doonaan waxaanu yidhi “Sanadkan waxaanu baadhi doonaa 14 hay’adood taas oo daahfurkeedii uu maanta bilaw yahay, anaga oo warbixin ka soo saari doona waxyaabaha ay hay’addaha dawladu qabtaan,  duruufaha iyo ku shaqeeyaan iyo meelaha u baahan in wax lagala qabto.”