Hayad Caalami Ah Oo Markii Ugu Horreysay Booqatay Maxaabiista Lagu Qabtay Goojacadde

0
218

Hayad Caalami Ah Oo Markii Ugu Horreysay Booqatay Maxaabiista Lagu Qabtay Goojacadde

Hay’adda ICRC ayaa markii ugu horreysay booqatay boqolaal maxaabiis ah maalintii Khamiista ee 31-kii August. Maxaabiistan ayaa lagu soo qabtay dagaalladii u dambeeyay ee dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo dabayaaqadii todobaadkii hore

Sida uu sheegay Cabdikariim Maxamed Cabdullaahi, afhayeenka ICRC ee Soomaaliya, lama xaqiijin karo tirada saxda ah ee maxaabiista. “ICRC waxay ku booqatay goobo kala duwan oo ka tirsan Laascanood, iyadoo uu ugu weyn yahay xabsiga dhexe ee Laascanood.” Ayuu yiri Cabdikariim
Cabdikariim Maxamed ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in qaar ka mid ah xabsiyada Laascanood ay ku jiraan maxaabiis dhaawac ah, ayna ka caawiyeen afar qof oo dhaawacoodu darnaa in loo qaado isbitaal ku yaalla Garowe si loo daaweeyo.

Mar Cabdikariim oo ay BBC-da wax ka weydiisay shaqsiyaad ku sugan Laascanood oo xiran dareeska cad, isla markaana meydad ka ururinaya aagga dagaalka, ayuu xusay inay la shaqeeyaan hay’adda Bisha Cas oo ay u tababareen sidii loo maarayn lahaa meydadka, isla markaana ay gaarsiiyeen kiishash lagu qaado meydadka.
Pascal Cuttat, madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya, ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in maxbuus kasta loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada.

ICRC ayaa sheegtay inay maxaabiista gaarsiyeen firaashyo iyo agabka nadaafadda, sidoo kale BBC waxay u xaqiijiyeen in agab cafimaad ay horay u gaarsiyeen isbitaalka Laascanood.

Cabdikarim ayaa sheegay in uusan sheegi karin xog ku saabsan xaaladda caafimaad iyo tan daryeel ee maxaabista lagu hayo Somaliland iyo Laascanood sababo la xiriira shuruucda ICRC, balse wuxuu sheegay in ay ka shaqeeyeen sidii maxabiista labada dhinac lagu hayo ay ula xiriiri lahaayeen qoysaskooda.

“Waxaan kala hadalnay maamuladda labada dhinac ee Laascaanood iyo Somaliland inay noo ogolaadaan inaan booqanno maxaabiista, wayna noo ogolaadeen. Haddaynu aragno wax bini-aadminimada ka baxsan oo jira waanu ku noqonaa maamulka meeshaas oo waynu waydiinaynaa waxa khaldan, waxaana ka wada hadalnaaa sidii xal loogu heli lahaa dhibka aanu aragno.” ayuu yiri Cabdikariim Maxamed Cabdullaahi oo ah afhayeenka ICRC ee Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here