Hawlaha ay qabato Shirkada Adeega Bixisa ee Ihsan Auditing & Consulting Firm
Maanta ayaanu Xafiiskiisa ku booqanaya Maamulaha Shirkada Ihsan Auditing & Consulting Firm, waxaan uu nooga warmay hawlaha ay qaybato Shirkada IHSAN. Waraysigii aanu ka qaadnayna waxa uu u dhacay sidan:
Su’aal: Mudane Cabdirasaaq goorma ayaad Shirkada Ihsan Auditing & Consulting Firm la aas-aasay?
Jawaab: Marka hore ALLE (sw) ayaa Mahad oo dhani u sugnaatay marka xigta waxaan idiinka mahadnaqayaa booqashada aad noogu timaadeen iyo waraysiganba haddii aad tihiin warbaahinta DAWAN. Haddii aan su aashaada usoo laabto Shirkadan IHSAN AUDITING & CONSULTING FIRM waxaa la-aasaasay bishii kowaad ee sannadkii 2005, fikradana iyo Maalgalinii hore aniga Cabdirazaaq ahaan ayaa iska lahaa, waxayna ka dhalatay baahiyo badan oo wakhtigaa ku gadaamnaa ganacsiga Somaliland. Waxaa ka hawlgalo dhalinyaro aqoon yahano ah oo dalka iyo dibedaba wax kusoo bartay , markaa waax walba team ama koox ayaa u darban intooda badanina waa partime job ayay ku shaqeeyaan.
Su’aal: Baahida ma buuxiseen, ilaa hadda maxaa ugu muhiimsan ee aad qabaten?
Jawaab: baahiyaha ugu badnaa waxa uu ganacsatada ka haystay dhinaca nidaam –xisaabaadka , Suuqgaynta , kasbashada macmiilka iwm. Qaybahaaba shirkada Ihsan xooga ayay saartay sidii ay uga caawin lahayd ganacsatada, tusaale ahaan shirkadihii aanu wakhtigii aanu shirkada aasaasnay aanu ka caawinay eeriyooyinkaa ee manta najaxay waxanu kazoo qaadan karnaa Dollar Store, Alnour Furniture , Shafici Stores, Dhamac Building Material , Alxayaat Furniture iyo qaar kale oo badan
Su’aal: Tababarada aad bixisaan maxay kala yihiin ?
Jawaab: IACF waxay bixisaa adeegyo kala duwan oo ku wajahan guud ahaan Shirkadaha iyo Meheradaha Ganacsi ee gaarka loo leeyahay ee Somaliland, “Private Business Enterprises” , Hay’adaha Caalamiga ah ( INGOs) , iyo kuwa Wadaniga ahba (LNGOs). Adeegyada IACF bixiso waxaa kamid ah:
- Dajinta Nidaam –xisaabeedka Ganacsiga
- Bixinta Tababarada Shaqaalaha Ganacsiga
- Kasbashada Macmiilka ( Customer Service Training)
- Suuq-gaynta ( Marketing Training)
- Kor u qaadida aqoonta Maamuleyaal Gancasi( Top Management Training)
- Audit Services
- Shaqo Qoris ( Recruitment Service)
- Diyaarinta Codsiyada Deeqaha ay bixiyaan Hay’adaha Caalamiga sida; WORLD BANK iyo USAID/GEEL PROJECTS
- Monitoring & Evaluation
- Latalinta Ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe ee Somaliland
- Latalinta Dadka bilaabaya Ganacsi( Start up Consultancy)
- Iyo kuwa kale oo badan
Su’aal : Maxaa keenaya inay Meheraduhu baab’aan ama ay Suuqa ka baxaan?
Jawaab: Horta waa mushkilada jirta, qofkii isagoon aan aqoon ganacsi lahayn oo waxooga lacag helay ayuu isku qaadayaa meherad nooceedu suuqa ku badan yahay, marka hadaanu lahayna qoon iyo tababar ganacsi oo ku ogaan karo baahida loo qabo meheradda uu furayo ama goobta looga baahan ama dadka macmiilka u noqonayaa wuxu noqonayaa mid fashilma oo xidhma. Anaga shaqada ugu weyn ee aanu bulshada u haynaa waa in aanu kala talino nooca meheradda uu doonayo inuu furto, anagoo ku samayna daraasad, iyo weliba in aanu ku ilaalino inta uu hana qaadayo nidaamka koritaanka meheradda waayo dad badan ayaa shaqo ka helaya. Waana arrin aanu ku guulaysanay oo ilaa maanta dadkii aanu siinay tababarka meheradahooda inay kor usii socdaan mooyee ma xidhmaan.
Su’aal: Dadka ganacsatda side ayay xidhiidh idiinla leeyihiin ?
Jawaab: Ganacsatada waxaa naga dhexeeya xidhiidh wacan waxaana runtii xidhiidhkaa kor usoo qaaday Mashruuc layidhaa; Small & Medium Enterprise Facility (SMEF) oo ay wado Hay;ad layidhaa BDO maalgalintana ay leedhay BAANKA ADUUNKU (WORLD BANK) mashruucaasi waa mid aan hore uga qabsoomin dalka , marka hore waxa uu u sameeyey shirkadaha anaga oo kale wax layidhaa Capacity building ganacsatada u baahnaa tababarada iyo in nidaamkooda loo hagaajiyana kharash adeegyadaa waa laga bixiyaa. Anagaa u qabana adeegyadaa lacagta adeegaana waxaa nasiisa hay’adda aan sare ku xusay. Anaga wax weyn ayey noo tartay islamarkaana ganacsatada sidaayo si lamid ah. Hore waxaynu u haynay in Ganacsi la maalgaliyo oo lacago la siiyo hadda waxaa dalka Hay’addani kusoo kordhisay in Adeegyadana lamaalgaliyo taasi waxaa ka dhalanaya in Ganacsigii horumar balaadhan sameeyo marka laga dhiso dhinacyada adeeg ee kala duwan. Gabagabadii waxaan Mahad u celinayaa ALLE (sw) hawlahaas oo dhan inoo fududeeyey , marka xigta ganacsatada fahantahay baahiyahooda adeeg ee naga soo dalbaday adeegyada kala duwan iygana waan u mahadcelinayaa , waxa kale oo aan mahad balaadhan mudan Masuuliyiinta iyo hawlwadeenada hay’addaa BDO ee wada Mashruuca SMEF .
Source : Dawan Media Group