Haweeney Xambaartay Nin 46-sano jir ah iyada oo u maleeneysay in uu yahay 6-Sano jir+Sawiro
Haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Michelle Mone , ayaa layaab kala kulantay goob ay xaflad kasocotay kadib markii ay xumbaartay nin 46-sano jir ah iyada oo moodeysay in uu yahay wiil 6-sano jir ah. Michelle Mone , oo leh shirkad dharka soo saarta una dhalatay dalka Ingiriiska , ayaa la kulantay Nin gaaban oo u dhashay dalka Vietnam, ninkan ayaana Haweeneydan u keenay Ubax waxa ayna kadib u xumbaartay sida Cunug yar iyada oo u maleesay 6-sano jir. Arinta layaabka leh ee dhacday ayaa aheed markii ay dadka ka dhax qeylisay Xaaska ninkan gaaban iyadoona ku dhahday Haweeneyda ninkeeda xumbaartan” Ii Dhig Ninkayga” arintan ayaana noqotay mid layaab leh oo ay warbixino ka qoreen Warbaahinta dalka Ingiriiska. |