Haweenay Ku Biirtay Xisbiga Waddani oo koox xisbiga Kulmiye soo abaabulay ku garaaceen magaalada Burco

0
822

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ayaa sheegaya in koox abaabulan ay weerar ku qadeen shalay galab “Maqribkii” haweenay lagu magacaabo Safiya Jaamac Shide ,xili ay maraysay meel u dhaw duleedka garoonka kubada cagta ee magaalada Burco,taas oo ay si arxan darran u garcaaneen una jidh-dileen,isla markaana ay dhaawac kala duwani soo gaadheen haweenaydaas , waxaana la sheegay in kooxdani ay ahayeen kuwo abaabulan oo ay soo abaabuleen Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee magaalada Burco, weerarkan ayaa ka dhashay kadib markii ay haweenaydanu iyo taageerayaal tiro badan ka goosteen Xisbiga KULMIYE,isla markaana ay ku biireen Xisbiga WADDANI todobaadkii hore.
Ciidamada Bileyska magaalada Burco ayaa ku daba jira kooxdii weerarka ku qaaday Marwo Safiya ,kuwaas oo ka cararay goobta markii ay falka ugu geysteen,iyadoo ilaa hadda aan gacanta lagu soo dhigin.
Dhanka kalena Marwo Laki xaashi oo kamid taageerayaasha ugu waa weyn Xisbiga WADDANI ee magaalada Burco, isla markaana kamid ahayd qaban-qaabiyaasha xafladii todobaadkii hore uu Xisbiga WADDANI magaalada Burco ugu qabtay taageerayaal cadad-badan oo ka soo haajiray Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo ku biirey Xisbiga WADDANI, Laki Xaashi ayaa la sheegay in saldhiga dhexe ee Burco looga yeedhay iyadoo loo sheegay in ay masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee Burco soo dacweeyeen.
Si kastab ha-haatee Xisbiga KUMIYE ayaa ka hinaasay tageerayaasha tirada badan ee ka goostey, kuwaas oo ku biirey Xisbiga WADDANI,waxaanay hadda bilaabeen in ay dhagaro u maleegaan tagaarayaashii ka goostey iyo falal ay ku wax yeelanayaa.