Haweenay ka tirsanayd Shaqaalaha Baarlamaanka oo Muqdisho Lagu Dilay

0
649

Muqdisho-(Halsan): – Rag ku hubeysan bastoolado ayaa saaka magaalada Muqdisho ku toogtay haweeney ka tirsan shaqaalaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugnaa halka lagu dilay haweeneydaasi ayaa kooxaha hubeysan waxay ku dhufteen ilaa afar xabadood oo ka haleeshay madaxa iyo wadnaha.

Haweeneydaan oo lagu magacaabi jiray Raxma-ruun Maxamed C/qaadir ayaa ku geeriyootay isla goobtii lagu soo weeraray oo ahayd meel aan ka fogeyn gurigeeda oo ku yaala degmada Wadajir oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Kooxihii ka dambeeyay dilka Allaha u naxariistee marxuum Raxma -ruun Maxamed ayaa goobtaasi isaga cararay, iyadoo tiradoodu lagu sheegay inay ahayd ilaa afar wiil oo dhallinyaro ah.

Daqiiqado kaddib waxaa goobta soo gaadhay ciidamada ammaanka maamulka degmada Wadajir ayaa bilaabay howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilka ka dambeeyay, iyadoo falkaan ay ka welweleen dadka degan halkii lagu dilay.

Dhinaca kale dilkan ayaa ka mid ah ugaadhsiga lagu hayo shaqaalaha rayidka ah ee ka howlgala hay’adaha Dowladda kala duwan.