HARGEYSA: SIXIRROOLE LIXDAN KUN OO DOOLLAR KA DHACAY SARRIFLE, BAADHITAAN SOCDA IYO ARAGTIDA DIINTU KA QABTO DADKA KU SHAQEYSTA QATAARKA.

0
652

Hargeysa(Halsan):- Nin loo maleynayo inuu adeegsaday SIXIR, ayaa lacag Caddadkeedu dhan yahay $ 60,000 Kun oo Doollarka Maraykanka ah ka dhacay Muwaaddin Magaciisu yahay Ismaaciil Ibraahim Nuur (Khuuriye) oo ka mid ah Sarriflayaasha waaweyn ee Suuqa badhtamaha Caasimadda Hargeysa ku shaqaysta.

Ninka dhaca geystay, ayaa Goob-joogayaal iyo Sarriflayaal ay jaar yihiin ninka la dhacay u sheegeen Wargeyska Himilo inuu Saddex Maalmood ka hor lacag Boqol Doollar ah ka Sarriftay Muwaaddinkan lacagta laga dhacay, ka dibna uu lacagtii Kaashka ahayd ee loo Sarrifay u dhiibtay Ismaaciil Khuuriye, hasa-yeeshee markii uu ku soo noqday uu qaatay bacdii ay ku jirtay Lacagta $ 60,000 Kun ee Doollar ahi.

Hase-yeeshee, Ismaaciil Khuuriye oo aan dhaadin in lacagi ka maqan tahay uu iska rawaxay maaddaama oo uu wakhtigu ku dhawaa Gabal-dhac, sida ay goob-joogayaashu u xaqiijiyeen Himilo, balse, waxa la tilmaamay in Ismaaciil markii uu ku dhawaa gurigiisa uu sidii oo u hurdu ka soo toosay soo hambabaray, isla markaana dib ugu soo noqday halkii uu Meherraddiisa Sarifku ahayd, inkasta oo aan lagu guuleysan in la helo qofkii geystay dhaca intaas leeg.

Ciidammada Booliska ee magaalada Hargeysa oo Saddexdii maalmood ee u dambeeyay waday baadhitaan arrintan la xidhiidha, ayaan illaa hadda iyaguna ku guuleysan inay soo qabtaan ama gacanta ku dhigaan Ninkaas Sixirka ku qaatay ama ku dhacay lacagta lixdanka (60,000) Kun ee Doollarka Maraykanka ah.

Dhanka kale, Falkan Sixirka ah ee lagu dhacay Muwaaddinkan reer Somaliland, waxa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay ku soo hadal qaaday Imaamka Masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa Sheekh Maxamed Aadan Muxumed.

Sheekhu waxa uu ka digay khatarta Sixirroolayaashu u leeyihiin Dadka, isagoo ku taliyey in Xukuumadda oo adeegsanaysa Ciidammada Ammaanku wax ka qabato Sixirroolayaasha Bulshada dhibaatayna. Sheekh Maxamed Aadan, waxa uu sheegay in Diinta Islaamku banneynayso in la dilo qofka Sixirka ku shaqeysta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here