Hargeysa: Marxuum Ganacsade ahaa oo Laga Helay Maydkiisa Oo Deldelan

0
619

Hargeysa(Halsan) :- Alle naxariistiisa Janno ha ka waraabiye ganacsade magaalada Hargeysa ku lahaa meherad Bakhaar ah ayaa maydkiisa oo deldelan laga helay Dooxa Hargeysa. Ninkan ayaan ilaa hadda la ogoyn in cidi deldeshay iyo inuu isagu is deldelay.

 

Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Dhoodaan, ayaa la sheegay in Meherad Bakhaar ah oo lagu iibiyo qalabka dhismaha uu ku lahaa Suuqa Hargeysa. Ilaa hadda xog lagama hayo sababta keentay iscasilaadiisa.

 

Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya dadweyne ku soo ururay maydka oo ka laalaada geedka uu ku deldelnaa, taas oo aakhirkii dambi baadhista iyo Boolisku ka furay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here