Hambalyo Xaakimka maxkamada sare oo cadaalada u hiiliyey by Abdi Mustafe

0
691

Magacyada ilaahay mid ka mida ayaa ah Al-cadlu. Qofka cadaalada aan sugin ee laaluush qaata ama xilka uu hayo is yidhaa ku ilaasho ilaahay buu dagaal la galay oo meel ma gaadho. Xaakimkan da’ da yar ee maanta siday cadaaladu ahayd maray wuxuu gartay in risiqa ilaahay bixiyo oon madaxtooyadu dadka risiqin. Waa nin mustaqbal le oo hadii shaqada laga caydhiyana ilaahay meel kale wax dhaama ka siinayo. Ama jaamacadii uu ka soo baxay ku noqon kara oo wax sii korodh san kara ummadana sharaf ku dhex joogi kara. wuxuu ilaahay yidhi haday laba qaryadood oo midina muslin dahay midina kaafirad tahay dagaal ka dhex dhaco oo ku muslimiintu aanay cadaalada ku dhaqmin kuwa gaalada ihina dad kooda cadaaladu u ilaaliyaan waxa nasriga la siiyaa kuwa gaalada ah ee cadaalada jecel. Cadaaladu ilaa heerkaa ayay gaadhsiisantay aan guusha la siin muslimiinta aan cadaalada ku dhaqmin. Hadaba xaakimla maxkamada sare waxaan ku hambalyay nayaa dhiiranida uu cadaalada uugu hiiliyey ee aannu madaxtooyada ka heybeysan. ilaahay buu ka doortay in uu madaxtooyada daba dhilif u noqdo wuuna guuleysanayaa meel wal uu joogaba haduu sidaa ku wado.

Abdi Mustafe