Dhaqane iyo dhaashane
dhalin weeye magaallo.
dhaqankoodu mid maaha .
Dhaliil la iskama qaato .
DHafoor taabasho weeye .
Dhibtana la iskuma eego.
daily way kaftamaan .
Hadana la isma dhegaysto.
Dhoohanaad tahay waalan
iyo adaa dhoocil ka liita
warkoodaa ku dhamaadee .
Kaalayoo bal dhegayso.
Dhaqane:Waar kaalay waa kan Boqor buurmadow leh reerka hagbad baanu ku wada jirnaye idinku ma laba gacmood baad kaga jirteen?Miyaanay hagbada markoodii aheyn?
Dhaashane:Sidaanu siyaasi kuugu haysano ayuun baad xaafado adna nagula soo meeraysataa.Waar xisbiyo iyo dowlad nooga sheekee anaga xaafad ha nagula meeraysane.
Dhaqane:Waayee ma dhab baa in Caynaba beero laga jeexay Gabileyna boodh ka kacayo?
Dhaashane:waxa la yidhi:aabo sigaarka iska daa.Kuye aabo haye intaa ii dhiib.Bal xaafada dhaaf baanu leenoo weli wuu sii wadaa.
Dhaqane:Waar xaafad hadii la dhaafayo haamihii dhamaa ee qarankaba xaafad lama siiyeene waxan ku waydiiyey intaa oday dhaqameedyada eryanayseen baaba la qaatee ma hadaa ciyaalkii yaryaraa ee xidigaha geeskana xidhxidheen.oo haatan markay magaca la baxayeen maa xidhxidhaan?Ileyn geeska inagiyo Soomaliya ayaa la isku keen yidhaaye.
Dhaashane:Waar inaadeer halkaaba kamaanaan eegine show nimanku markii horaabay na khiyaameeyeen.Iska daa kiis baabanu u la`ayne kaasaabaanu kiis oga dhigaynaa.
Dhaqane:Sidaa u socotaan baan arka kooxdayada Waddani bandna waydun isku soo qaadi.
Dhaashane:Waddani bandtuna ma mid cusubaa?Mabaan maqal e.
Dhaqane:Miyaanad dhegaysan heesta ay qaadaan ee tidhaa:
Dareenku miyuu ku seexday
Sowtaa danyartii haraaday
Habaar kula doono mayno
Ducana nagamaad shaqaysan.
Waa qallinkii:Baxnaan xaaji aden diiriye
Sweden