Hadduu Ismaciil Yare Maro Jidkii Jugsoo dhacay, Musharax Cirro Mala Iman doonaa ku-dhacii Rayaale?

0
627

Natiijadii doorashadii 2010 markii la iclamiyey ayaa war bulshada Somaliland aad iyo aad uga xumaadeen waxay ka maqleen Xoghayihii Xisbigii Udub oo loogaga adkaaday doorshadaa, waxa uu ku dhawaaqay in ayna aqbalayn natiijada oo loogaga shubtay. Hadalkaasi waxa uu bulshada ku abuuray warwar ay ka cabsi qabeen in xasilooni daro dalka ay ka dhacdo. Basle wax yar kadib waxaa warbaahinta yimid oo la hadlay  Daahir Rayaale Madaxweynihii wakhtigaa ahaana Gudoomiyihii Xisbigii Udub.

Haddaba, waxaa xusid mudnayd oo aad loola dhacay talaabadii geesinimada lahayd ee uu qaaday Mudane Rayaale iyo sida uu uga damqaday shakhsiyaadka magaciisa iyo sharaftiisaba inay baabiiyaan doonayey. Mudane Rayaale waxa uu wakhtigaa shacabka ka jaray waran ku taagnaa, isaga oo tixraacaya hadaladii masuuliyiintiisii wakhtigaasi ku daadafeeyeen natiijada doorashada, waxa uu sheegay hadaladaa ragaasi faafiyeen inayna waxba ka jirin oo uu aqbalay maxsuulka natiijada doorashada .

Haddaba, markaad eegto shakhsiyaadka garbaha ka taagan murashax ciro waxaa ugu fadalo cad-cad Ismaciil Yare kana mid ahaa xubnihii xaga dambe kaga soo biiray xisbiga wadani, oo shakhsi weerar, afxumo iyo hanjabaado ay kasoo burqanayeen lagasoo bilaabo maalintii uu xisbiga wadani kusoo biiray illaa  maalintii u dambaysay ollolaha doorashada ee xisbiga wadani u lahaa oo uu si aad u foolxun oo laga yaxyaxay uu u aflagaadeeyey Madaxweynaha talada kasii dagaaya ee Silaanyo. Haddaba , Ismciil yare haduu maro jidkii jug soo dhacay , Musharax Ciro mala iman doonaa geesinimadii iyo ku dhacii Mudane Rayaale .

Talaabadaa uu qaaday Daahir Rayaale wakhtigaas waxay ka mid ahayd waxyaabaha taariikhda u galay ee ay Shacabka Reer Somaliland guda iyo dibedba ay u ogyihiin , sharaf iyo abaalna ay  ugu hayaan.

Gabagabadii, waxaan iga talo ah oo aan kula talinayaa Musharax Ciro in Raga kugu  wareegsan ee uu ugu horeeyo Ismaciil yare in haddii ay maraan jidkii jugsoo dhacay , Alle Ma mariyee… in aanad illaawin marinkii Muwaadin Rayaale.

 

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa ,Somaliland