Haddii Website-Yo Lagu Qoro Maahee Haddii Cirku Soo Dumayo Inaanay Mushahar Wasaaraddani Siinayn Qof Aan Shaqaysa” Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta

0
784

Hargeysa(Halsan) :-Agaasimaha guud wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Maxamed Aadan Ilkacase, ayaa sheegay inay shaqaale wasaaraddaasi ka tirsan ka joojiyeen mushaharka, waxaanu ku eedeeyay inay yihiin kuwo mashaqaysteyaal ah.

Agaasimaha ayaa wacad ku maray inaanay mushahar siin doonin dad uu ku tilmaamay kuwo marka talaabo laga qaado saxaafadda ku baahiya warar aan xaqiiq ku salaysnayn, isagoo ku faanay in maalmulka wasaaraddu yahay dad aqoon leh oo shaqada ay hayaan garanaya.

Waxa uu sheegay agaasimuhu in guddi wasiir xigeenka wasaaraddu madax ka yahay, agaasimuhuna kuxigeen u yahay, Maareeyaha Tv-guna u yahay xoghayn ay wadaan qiimayn dib loogu eegayo shaqaalaha wasaaradda, kuwaasi oo haatan shaqada ka joojiyay 10 qof, mushaharkana ka hakiyay 40 shaqaale ah.
“Anagu dad Liiskoodu googays ahaa oo aan shaqada iman jirin ayaanu Mushaharka ka joojinay.Markaa qofkii leh waan shaqeeyaa oo mushaharkii baa la iga jaray xaq buu u leeyahay inuu guddida u soo cawdoo oo yidhaa waan shaqayn jiray laakiin, qof iskaba maqan oo dibadda Mushahar ku qaadanayay oo aan sooba shaqo tagin sabab uu cid u eedeeyaa ma jirto anaguna sabab aanu qof shaqaysanaya mushaharka uga jaraa ma jirto” ayuu yidhi Agaasime Ilkacase oo waramayay Wariye Cabdiraxmaan Cilmi Xirsi Oo Bulshotv ka tirsan.

Agaasimaha ayaa ku dooday in shaqaalahan lagu haysto inay shaqadooda gutaan islamarkaana ay dhibaato wasaaradda haysata tahay dad aan shaqaysan oo shaqaalaha ka tirsan “Waar walaal wasaaraddii u shaqeeya oo dadkiina u shaqeeya oo mushaharkiina xalaalaysta ayaa la leeyahay, waa dhibaato wasaaradda warfaafinta haysata, taas oo aanu dardar ku galinayno in shaqaalaha xaqooda la mariyo oo ka shaqaynaya la dhiiri galiyo oo wax la taro ka aan shaqaysanna xeerka shaqaalaha la mariyo” ayuu yidhi Maxamed Ilkacase.

Agaasimaha warfaafinta ayaa ku doodaya in markasta oo wasaaradda la hagaajinayo laga faafiyo warar aan sugnayn “Markasta oo la is yidhaa wasaaradda hagaajiyaba, Dacaayado iyo borobagaando iyo hadal aan jirin oo joogin Website-yada ku baahiyaan.markaa dadka soo shaqeeyay oo shaqada garanaya oo wadankan CV ku leh baanu nahay oo jaamacaddo ka soo baxay, markaa dacaayado raqiis ah niman ugu joojinaya Wallaahi baanaan ahayn oo Billaahi baanaan ahayn,markaa haddii Website-yo lagu qoro maahee haddii Cirku soo dumayo inaanay Mushahar wasaaraddani siinayn qof aan shaqaysan” ayuu yidhi Agaasime Ilkacase.

Dhinaca kale xogo mareegta Ramaasnews helayso ayaa sheegaya in 10 ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda laga hakiyay shaqada. Waxaa lagu haystaa inay ka shaqeeyaan Wasaaradda iyo shaqooyin kale ama Hay’addo warbaahineed oo kale, waxaanay masuuliyiintu u soo jeediyeen inay kala doortaan inay shaqada wasaaradda ku koobnaanayaan iyo inay u go’ayaan shaqooyinka kale ee ay hayaan.
Waxaa la sheegay in shaqaalaha la kala doorran siiyay shaqooyinka ay ka mid yihiin wariyeyaasha ruug caddaaga ah ee Faysal Fadhfadhle, Maxamed Cali Waji iyo Cabdi Xasan.
Wali Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay shaqaalaha uu eedeeyay Agaasimaha wasaaradda warfaafintu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here