Waxa afka kala qaad inaggu noqday mashuuriicii biyo balaadhinta caasimada ee xunbo-weyne la musuq -maasuqay sacabo madhana laga taaganyahay
waxa aan dareemayaa geeddiga halkii aan rabay laguma furin , ilaa hada ifafaalaha muuqda rajadiisa waxa ku gedaaman saluug dhinac walba ah oo shacabku ka qabo xukuumda dhawaan la dhisay , ibo-furkeedii uugu horeeyey waxa uu u muuqdaa mid dhaliyey jahawareer siyaasadeed iyo mid dhaqaale labadaba , dhaliilo fara badana ay dul hoganayaan , waxa aan ka xumahay in isbedalkii dhacay midhihiisii wali la sugaayo.1
Arimaha togan ee inoo muuqda la kawsadayna xukuumada aad baa ay faradanyihiin , maalmo is gurayaana way igu fool adagyihiin .
Waxa afka kala qaad inaggu noqday mashuuriicii biyo balaadhinta caasimada ee xunbo-weyne la musuq -maasuqay sacabo madhana
laga taaganyahay cidii dhacdayna in sharciga la hor keeno indhaha ayaa laga qarsaday ulashadii la dagaalanka musuq-maasuqa wali waa gacan uurka ku jirta ileen xusbi isaga xil qarsiimo xafiiska ula kala wareegay buu ahaaye.
Doorashadii keentay qoqobka iyo kala qaybsanaanta bulshada lama damin , in gaasta lagu sii huriyeyna waa ay u muuqataa waayo saamiga baylaha saluug badan ayaa ka yimid .
Taa waxa weheliya kacdoonka bulsho ee uu sababay buuggii uu qoray wasiirku oo noqday falaadh ku taagan xukuumada dhegaha ka furaysatay garawshiyo iyo talaabo midna laga fal celin, ninkii hadlayaaba ha iska hadlo u muuqata jawaabteeduna wali taagantahay.
Dulqaadkii xukuumadu waxa la moodaa in dhawaaq dhagaysi uun noqday waayo xadhiga aan macnaha buuran ku fadhiyin waa wax aan la qaadan karin , wax aan sakaaro ka biirsan in qof xoriyadiisa looga qaado maaha caqliga saliimka ahi wax uu qaadan karo waayo nin xilqaaday eed qaad dhaliil waan ina daanweyne , waxa se aan qabaa ashqaas ku xumayn iyo xajiin la damacsan madaxweynaha in ay ku hawlanyihiin kacdoonka shacabka.
Haddii aan dib u raacno sooyaalka madaxweyne Riyaale waxa la gaadhay in la yidhaa dhengad baa looga saarayaa qasriga , marwadiisa sharafta badan xubnaha jidhkeeda ayaa wax laga sheegay cid loo xidhayna ma jirin waayo waa la i caayey ceeb baa kaa raacda.
Arimaha doorka ah ee ilaa hada la dhuganaayo waxa ka mid ah arinka xaar mas ku noqotay xukuumada ee la tacaalida mushkilada sixir-bararka oo aan ilaa hada daawo loo helin .
Sarayntii sharcigu waxa ay u muuqataa in durba la jibiyey ka dhabaynteeda waxa aan la soconaa in wasiir Kaahin uu ka hor yimid wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha si cadna u diiday masuul in uu la wareego xilkii madaxweynuhu u igmaday iyaba waa fajaciso iyo amakaaga .
Arintii degada ee muranka badan aloostay waxa ay la koosatay in la yidhaa saami quman ayaa ay Itoobiya ku leedahay , shirkad maalgashsi oo masuuliyiin xukuumada ka tirsan magacyadoodu ku xusantahay oo la hirgaliyey meel ay ka socdaan wali loo kitaab furin.
Qaranimadu waa geed ku baxay dhiiga geesiga dhuuxiisa u shubay sidii aan u hadhsanlahayn calan xor ah cid kasta oo ka hor timaadna in gacan bir ah lagu qabtaa waa gar , Naciima ayaa hada u xidhan gefkii ay gashayna lagu xukumay se in sharciga loo sinnaadaa waa waajib waxa sida fiinta looga qaylinayaa boqor Cismaan buur-madaw oo ku talaabsaday arin qaranka dhaawac ku ah isaga oo sheegay in uu ka shaqaynaayo waan -waan uu ka galo sidii loo soo af jari lahaa talaabada ay ciidamada qaranku ku talaabsadeen waa in sharcigu qabtaa , haddii aanu ahayn mid wadhata gumeeya cid gaarna u looga ha loo sinnaado sharciga
Dabcan maaha faalladani dhaliil iyo canbaarayn ku socota xukuumada , waxa aan hoga tusaalaynayaa arimaha togan ee ay ku curatay xukuumadii aan dooranay, rajada shacabku ka qabay xusbigaan dooranay in dhaliilshiisa aan sheegno waa waxa ay wax inoogu hagayaan .
WQ: Maxamed Xuseen jaamac (M.Somaali)
Hargaysa Somaliland