Hargeysa(Halsan): – Dood xaasaasi ah ayaa dhexmartay labada garab ee xisbiga Kulmiye u kala jabay, kuwaasi oo kala taageersan musharax Muuse Biixi Cabdi iyo musharaxiinta isbahaystay ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe.
Dood Idaacadda VOA agaasintay oo ay ka qayb qaateen wasiirkii hore ee caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Jaamac Shabeel oo ku magacaaban guddoonka golaha dhexe ee Kulmiye iyo Maxamed Xaaji Maxamuud oo aqoon u leh culuunta siyaasadda iyo ammaanka, waxay gabogabadii muujisay in garabka Musharaxiinta isbahaystay rajo la’aan ka joogaan ka sii mid ahaanshaha Kulmiye.
Xuseen Axmed Caydiid ayaa ku dooday in qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye u afduuban tahay garabka musharax Muuse Biixi Cabdi, lana diiday in xubno garabkoodu u magacowdeen oo ahaa Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle loo diiday inay la hubiyaan liiska golaha dhexe, balse Jaamac Shabeel oo garabka kalemeteleyay wuxuu ku dooday in garabka musharaxiintu kaadhadhkooda qaataan, shirkana yimaadaan oo ka tartamaan.
Gabogabadii oo la waydiiyay bal waxay xalka xisbiga Kulmiye u arkaan ayaa ugu horayn Xuseen Axmed Caydiid yidhi “ Waxaan u arkaa, Jaamac doodiisa waan arkayaa oo waxay talo ka taagan tahay anagoo dhinac ah oo hawshii maamulanayna oo kaligayo gacanta ku haysana kaalaya oo Kaadhka qaata idinkoo aan wax shirka imanaya war u hayn oo dibada ka joogtaan kaadh aayar xubin xubin u qaata oo shirka fadhiista, inta aanu doono uun aanu idinku siinee kaalaya.
Taasi waxaan u arkaa, haddii Jaamac ay halkaasi ka taagan tahay, wuxuu Jaamac ku talo galay in garabkiisu shirka qabsado markaa ha ku socdaan leeyahay wuxuu ka helo ha waayee. Waxaan leeyahay waxay ku dabaynaysaa talada Jaamac Xukumay, metelan musharaxa Kijaandhe oo ka soo jeeda degaan ilaa 2003 markii doorasho bilaamatay aqlabiyaddiisu Kulmiye ahayd marka la yidhaa saaxad xor ah kaga tartami maysid halkaa farriinta ay taasi diri doontaa maxay noqon doontaa? Marka musharaxiinta kale ee Muuse la beesha ah ee xoogga ku lahaa taas oo kale la tuso farriinta ay codbixiyeyaashii u diri doontaa maxay noqon doontaa? Waxaan leeyahay jujuubka halkaas lagu wado iyo garabkaa imika shirka galay wuxuu u keeno iyo nasiibkii, garabka dibadda ka joogaana halku taladiisa la maro isagay u taal.
Jaamac Shabeel oo hadalkaasi Xuseen ka jawaabaya, sidoo kalena xalka la waydiiyay ayaa ku dooday in xisbiga Kulmiye haysto madaxweynaha oo ah aasaasihii xisbiga, sidoo kalena xubnaha kala wareegayaa yihiin kuwo la soo tijaabiyay oo xisbiga soo maamulay sidaasi darteedna aanu xisbigu burburi doonin . waxa uu sheegay in shirku qabsoomi doono awooddana ay leeyihiin golaha dhexe ee Kulmiye.
“ Xisbiga Kulmiye xisbi sidaas ku baaba’aya maaha, boqolaal way soo galeen boqolaalna way ka baxayaan xisbiguna wuu taagnaanayaa, shirkanina sidaas buu ku qabsoomayaa, sidaas bay xubnihiisu diyaar ugu yihiin, awooda xisbigana waxaa leh golaha dhexe, xubnaha golaha dhexena waa u diyaar shirkii inay fadhiistaan, cid dib uga dhigi kartaana ma jirto. Marka la fadhiisto go’aanka iyagaa leh, ha yimaadaan hadday cod isla hayaan, meesha cod baa lagu tagayaaye hadday cod ku ogyihiin ha yimaadaan, haddaanay ku ogayna ha iska daayaan xaskan ay ku meeraysanayaan, markaa xisbiga Kulmiye wuu shiri doonaa, doorashadana codkii uu ku soo baxay mid ka badan ayuu ku soo bixi doonaa,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
Xuseen Axmed Caydiid, oo mar kale hadalkaasi ka jawaabaya ayaa yidhi “Sida Jaamac ka muuqata, ifafaalaha socdana ka muuqda ayay noogu muuqataa in xisbigii kala jaban yahay oo garab ku mitiday inuu shir qabsado ama xalaal ha ku geeyo ama xarraane, oo dabeed sacab laga tumo oo Muuse Loo cumaamado taas kuguma diidani oo waa halkay ku socoto. Marka lala tartamayo ayaynu eegi ururada dambe inuu ku hadho iyo inkale, doorasho calafkiisaynu ka eegi, haddaad taas dan ka leedahayna talada dadka wax ka sii haddii kale oo aad isku filan tahayna Macasalaama.
Aqoonyahanka dhexda ka ahaa doodan ayaa isna gabogabadii sheegay inaanay muuqan cid dhexdhexaadin ka galaysa xisbiga Kulmiye, ifafaalaha muuqdaana muujinayo in madaxweyne Siilaanyo godobsaday wasiirada iscasilay sidaas darteedna aanu uga hiilinayn wasiirada kale, sidoo kalena garabka taageerada madaxweynaha helay aanay iska lumin doonin fursada siyaasadeed ee ay heleen, arrintuna u muuqato in garabka musharaxiinta isbahaystay meesha ka bixi doonaan.