Haayadaha Abniga Ee Somaliya Oo Baadhitaan Ku Wada Warar Sheegaya In Abwaan Nageeye Ku Biiray IS

0
90

Haayadaha Abniga Ee Somaliya Oo Baadhitaan Ku Wada Warar Sheegaya In Abwaan Nageeye Ku Biiray IS

Hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa baadhitaan ku wadda wararka sheegaya in Nageeye Cali Khaliif oo ahaa Abwaan, saxafi, iyo bare katirsan jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, uu u goostay kooxda Alshabaab.

Saraakiil katirsan haya’daha amniga ee dowladda oo ka gaabsaday in magacooda la xuso, ayaa sheegay, in ay warbixin rasmiya ka soo saari doonaan xaaladda Negeeye Cali Khaliif.

Abwaan Negeeye Cali Khaliif ayaa gurigiisa ka maqan muddo shan maalin ah islamarkaas na waxaa hawada ka maqan teleefoonada uu adeegsan jiray, sida ay sheegayaan hay’adaha amnigu.

Sidoo kale Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo uu ka ahaa barre, ayaa ka gaabsatay inay ka jawaabto waxay kala socdaan xaaladda Nageeye, kaasoo shalay iyo maanta qabsaday baraha bulshada.

Dhanka kale Alshabaab oo lagu sheegay inuu ku biiray kama aysan soo hadlin arrintiisa.

Dadka ku riixayay inuu ku biiray Alshabaab, ayaa soo qaadanayay buug uu qoray abwaanku, kaasoo qoraal lagasoo qaatay uu ku sheegay inuu kagasoo horjeedo halganka Shabaab loogasoo horjeedo. Balse ma jiraan warar xaqiijinaya in qoraalkaas uu ku jiro buug uu qoray Nageeye.