GUURTIDU WAA GOLAHA KALA BAD-BAADIYA XISBIYADDA IYO SHACABKA.QALINKII:SULAIMAN SALAH IBRAHIM HARGEISA SOMALILAND.

0
666

Jamhuuriyadda Somaliland waxay aduunyadda kale dheertahay oo ay kaga horaysaa
Golaha guurtida oo ah golihii nabadaynta beelaha soomaaliland qaybta ugu badan ka qaatay
Oo Qaranka Somaliland ay ilaashadaan oo ay karaameeyaan,oo ay qadariyaan,oo ay maamuusaan,
Golahaasi waxaa la asaasay wakhtigii taliskii Maxamed Siyaad Barre lala dagaalamayey wuxuuna
Goluhu soo uruurin jiray xoolaha reer miyigu dhaqdaan intii awoodooda ah ee ay halganka kaga
Qayb qaadanayaan,golahaasi wuxuu ahaa marka ay is qabtaan madaxda Jabhaddii SNM golihii kala
Saari jiray waa golaha guurtida oo gooni isu taagii,iyo madaxwaynahayaashii kala dambeeyey la soo
class=”ecxmsonormal”> Shaqeeyey,golaha guurtidu marka ay doorashadda wakhtigii loogu talo galay ay ku qabsoomi waydo
Waxay xakh u leeyihiin inuu kordhiyo wakhtiga ku haboon,golaha komishankuna wuxuu xakh u leeyahay talo
soo jeedin uu golaha guurtida u soo gudbinayo wakhtiga ku haboon ee la kordhin karo,
Golaha komishanku wuxuu awood buuxda u leeyahay wakhtiga ay dhamaato muddo xileedka M/waynaha oo
waxay cayimi karaan oo muddayn karaan wakhtiga doorashada la gelayo,balse
Golaha Komishanku Xakh uma lahaa inay muddeeyaan yaddoo aanay dhamaan muddo xilleedka M/waynaha.
Waxaan Xisbiyadda Qaranka talo u soo jeedinayaa waa inaad talo midaysan isugu timaadaan oo aanu
cadowgu inaga faaidaysan oo idinkoo gacmaha is-haysta la idiinka daawado
Tv-yada oo muddada Golaha Guurtidu kordhiyeena aad si wanaagsan oo Muslinimo iyo wadaniyaddi
Ku jirto u aqbashaan waa laga wanaagsan yahay in tafaraaruq idiinku dhaco ,qofkii sii noolaadaa
Insha-allaah wuu gaadhi doonaa qofkii M/wayne noqonayana Allaah(Swt) ayaa og oo
doorashada
M/waynanimaddu waa DUR IYO DAABAC oo waa kubad oo kale oo kooxda badinaysaa sida
Loo ogaadaa ay adag-tahay .
Waxaan shacabwaynaha reer soomaaliland ee kala taageersan sadexda Xisbi qaran u soo
jeedinayaa
Walaalayaal ha ku kala coloobina rag beri ka maalin heshiin kara, oo idinku ku walaalooba
Muslinimada,iyo wadanka aynu kuwada nooshihiin ee loo baahan yahay inaad cadoowgiina
Soomaaliya ee hadh iyo habeenba shirqoolada qarsoon wada sidii aad isaga difaaci lahaydeen
Meelkasta oo La idiinka soo weeraro
Oo jabhaddo idiinka soo weeraraan ha noqoto Jabhadda Suldaan Wabar ka dhex sameeyey
Wadanka Itoobiya ,Itoobiya lagama filayn in damac Xeebeed galo oo nimaan awood waxba ugu
Keeni Karin in laac loo dhigo,Itoobiya way ogtahay In Quwaddii Sadexaad ee Afrika waa
Soomaaliyee halkii laga burburiyey waa Soomaaliland jabhadda burburisayna Itoobiya way
taqaanaa Haddii Raisal Wasaarahan Cusubi aanu aqoona Jabhaddu waa SNM,Itoobiyana
waxaanu leenahay SOMALILAND WAA WADA SNM.
Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa quud aan jirin qoryo u guro Malaga yaabaa inay itoobiya
Uga darto jabhaddan Suldaan Wabar hogaaminayo in Xukuumadda Somaliland iyo
Shacabkeeduba ay Saldhig Milateri ay soomaaliland ka siiyaan Ururka AL-SHABAAB IYO
Dawladda Islaamiga ah ee DAACISH.
Itoobiya haddii ay raali ka tahay in soomaaliland laga soo weeraro wadankeeda waa in
shacabwaynaha reer soomaaliland jawaab cad ka bixiyaan oo ay qaadacaan waxyaalaha
MAANDOORIYAHA Iyo GANACSIGA KALE ah ee itoobiya inoo soo waarido si shacabkeena
loogu dabar jaro
SIDA QAADKA,SIBIDHKA,KHUDRADDA IYO BAGAASHKA.
Nin ku yidhi Sinaan mayno adna diid sarayntiisa,itoobiyana ha ogaato nabadgelyada
soomaaliland
Ayaad wax ku tihiin oo aad waxkasta qabsateen haddii ay noqon lahayd dhinaca
milateriga,warshadaha,beeraha ,caafimaadka,waxbarashada maanta heerkaas maydun gaadheen
Haddii Somaliland ay tahay sida soomaaliyada gubanaysa oo jabhaddo badan ayaa dhinaca
soomaaliland idiinkaga furmi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here