Guurtidda Somaliland Oo Fadhiga Golaha Ka Mamnuucay Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan

0
691

 Guurtidda Somaliland Oo Fadhiga Golaha Ka Mamnuucay Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan

 

Hargaysa(Halsan):- Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka tirsan mudanayaasha golaha guurtidda somaliland ayaa shirguddoonka golaha guurtidu waxa ay go’aamiyeen in muddo uu dibada ka joogo kalfadhiyadda mudanayaasha golaha.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha guurtidda somaliland Siciid jaamac Cali ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay sababta keentay in xildhibaanka laga joojiyo fadhiyadda golaha waxaana uu yidhi.

“Walaahi way jirtaa xildhibaan ismaaciil oo haddana madax dhaqameed ahi inuu deegaanadda puntland kaga qayb galay beel daajiye lagu caleemo saarayay hadaladii meeshaa qaybo ka mid ahi madax dhaqameedkeenu ka jeediyeen ayaa keentay xoogaa yar oo xasaasiyad ah,markaas anaga waxa naga khuseeyay odayaashii meesha tagay xildhibaankaas shirguddoonkuna waxa ay go’aamiyeen


in go’aan laga gaadhayo in golaha dibada ka joogo wixii kasoo baxana dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha guurtidda somaliland ayaa intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata.”suldaanka odhan mayno waa la ciqaabayaa oo ciqaab malaha lakiin dibada ayuu ka joogayaa golaha guurtidda in muddo ah.

Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan ayaa waxa lagu Qoonsaday Hadalo uu ka jeediyay beel daajiye lagu caleemo saarayay Deegaanada Puntland oo ay ka qayb galeen isaga iyo salaadiin uu Horkacayo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow.