Guurka Dhallinyarta Iyo Saamaynta Waalidiinta. W/Q: Cali Cabdi Coomay
Markay labada qof ee is guursaday ay aqalgalaan, waxay labada qof la soo baxaan hab-dhaqanka rasmiga ah ee a lahaayeen.
Labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan labadan qof, ayaa mid kasta loo xambaariyaa dardaaran uu kula dhaqmo xaaskiisa. Gabadhu waxa ay hore u soo maqashay amma dhagaheeda ka batay halku-dhigii odhan jiray” naagi god ha kaaga jirto ama gunti rageed”. Halka ninkuna uu soo maqali jiray halku-dhigii odhan jiray” naag baa rag is-dhaafisay”. Mid kastaa dhankiisa ayuu aaminsanaa in haddii uu helo uu barwaaqo ceegaagta cagaha la galayo, balse arrintu waxa ay is beddeshaa marka guriga la isugu tago, oo qof kasta dhaqankiisa la arko. Bal aynu eegno dardaarnada loo xambaariyo labada is-calfaday. Waxa kale oo jira dardaaran dhinaca wanaagsan ah, balse waxa ka badan inta xun.
Dardaaranka gabadha loo soo laqimo
- Weligii yaanu ka dareemin inaad jeceshahay
- Ogow oo maamul mushaharkiisa iyo wixii dakhli soo gala
- Ha isu-jilcin, oo hadalka yaannu kaaga dambayn
- Reerkaaga yaanu maamulin, adigu ha kuu daba-fadhisto wixii go’aan laga gaadhayo
- Wakhtiga guriga uu imanayo adigu go’aankeeda yeelo
- Hadaad markasta magaciisa ugu yeedho, doqon ayaad noqon oo waxa la odhan way jeceshahay, markaa waa inaad tidhaa” eeyaahe, xaaji”.
- Hadday hablo badan walaalo yihiin, gurigaaga waa inay kaaga dambeeyaan, oo aanay ninkaaga guriga ugu talin.
- Isha ku hay hooyadii, oo islaamuhu waa fidno socota. Ileyn waa”soo yuucane”. Haddii uu guriga kuugu keeno, la soco way kuu basaasi oo inankeeda ayay kuu sheegi wixii kaa xumaada.
- Markuu wax ku weydiiyo ugu jawaab” maxay dee, hadal badanaa, maxaad rabtaa, kuma haleelayo, qaylo badanaa, yuus badanaa IWM.
Dardaaranka ninka loo laqimo
- Naagta ha is barin, yaanay kaa gacan-sarayn
- Hadaad jeclaato, way kugu tuman, ileyn waa naag oo masuuliyad laguma ogee. U muuji ad-adayg. Ragannimudu waxa ay ku jirtaa ad-adkaanta
- Naagtu jiljilayc yaanay kaa dareemin, ileyn nin adayg ayaa lagu ogaa. Hadalka ha barin, waayahaaga ha u sheegin, ha la tashan, haddii kale guntaada ayey ogaan.
- Marna magaceeda ha ugu yeedhin, ku dheh ” naayahe, xaajiyo, dee kumee. Markay carruur kuu dhasho ugu yeedh ” aabo tii idin dhashay meeday, waar hooyadiin u yeedha”.
- Hadday xanuunsato, dhakhtar tag ku dhe, ha kaxayn sidii caruurta. Ileyn nin waa lagaga fiican yahay inuu naag dabo socde.
- Hadday tilifoon kugula soo hadasho, adoo shaqada jooga, indhaha kaga dhac, oo ku dheh maxaad ila soo hadashay?, markaan guriga joogo i-weydii wixii aad rabto, waayo waxa ay rabtaa inay ogaato meeshaad joogta, oo ku maamusho.
- Weligaa yaanay ogaan musharkaaga, haddii kale way kaa qaadi, oo iyadaa kuu maamuli.
Labadii qof oo soo dhegaystay dardaarankii doonayana inay ku dhaqmaan, ayaa gurigii isugu iminaya, oo xaalkii ayaa cirka isku shareeraya, ileyn waa la isku soo diray, oo markii hore heshiis ayey ahaayeen. Nin ayaa la weydiiyey miyaad jeceshahay naagtaadu inay dhimato, maya ayuu yidhi, sababta ayaa la weydiiyey. Wuxuu yidhi” inaan farxad u dhinto ayaan ka baqayaa”. Waayo wuxuu ku dhaqmay dardaarankii hore loogu soo laqimay.
Ugu dambayntii tallo:
Waxaan kula talin lahaa gabadha iyo ninku inay iska iloobaan dardaaranka xun ee gurigooda burburinaya, oo ay ka qaataan wixii iyaga anfacay, wixii dardaaran la soo siiyay. Bulshadeenu waxa ay leedahay dhaqan fiican iyo mid xunba. Markaa talooyinka lagu soo xambaariyey ka qaado wixii dan aad moodo ama inta fiican ee gurigiina dhisaysa. Bilowga hore talada ma diidi kartid oo waad isku dhacaysaan reerka aad kala jeedaan, markii ka dhegaysta, ka dib wixii faa’ido leh ka qaata. Waa tii hore loo yidhi” Naag nimaan u sabarini kama ilmo dhalo”
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan