Gurigii Hore Ee Madaxwayne Siilaanyo Oo La Burburiyey Lagana Dhisayo Qasri Saddex Dabaq Ah Iyo Xaddiga Lacagta La Sheegay Inay Ku Bixi Doonto

0
644

Hargeysa(Halsan):–Guriga gaarka ah ee uu Madaxwayne Siilaanyo hore uga deganaa xaafadda shacabka ee magaaladda Hargeysa ayaa dib loo burburiyey isla markaana laga dhisayaa qasri saddex dabaq ah.
Sida ay Qarannews u sheegeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Somaliland dhaqaalaha ku baxaya guriga wayn ee Madaxwayne Siilaanyo looga binneynayo xaafadda shacabka ee magaaladda Hargeysa waxa gabi ahaanba u shubtay shirkadda dhisaysa Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, kaas oo sida ay xogaha laga helayaa tibaaxeen ay ku bixi doonta aduun lacageed oo dhan $270,000.
Sidoo kale xaafadda shacabka ee magaaladda Hargeysa ayaa noqotay meel ka caaggan dadka danyarta ah ee reer Somaliland iyadoo ay kusoo badanayaa qoyska madaxwayne Siilaanyo baddi iibsaday guryihii dawladda ee xaafadaasi, isla markaana dhamaantood loo wada sameeyey Mulkiyado siinaya dhaxalka guryaha dawladda ee la boobayo.
Dhinaca kale su’aasha ay is-waydiinayaan bulshadda reer Somaliland ayaa ah waxa ay ka yeeli doonaan shaqsiyaadka boobaya hantidda qaranka dawladaha danbe ee ka danbeeya xukuumadda Siilaanyo, iyadoo ay cadahay hadii ay doorashadda soo socota ay ku guulaystaan musharaxiinta Kulmiye in Somaliland meel fog laga raadin doono isla markaana ay isku sii shareeri doonto cadaalad-darada, musuqmaasuqa iyo guud ahaan qabyaaladu.

 

Source: Qarannews