Sanca(Halsan) :- Guriga Safiirka Cumaan ee caasimada dalka Yemen ee Sanca ayaa waxaa soo gaadhay duqayn, sida laga soo xigtay wasaaradda arimaha dibada. Duqaynta ayaa guriga safiirka ka soo gaadhay duqaymaha isbahaysiga sucuudigu hogaaminayaa ka wadaan dalkaasi.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Cumaan, ayaa arrintan kaga hadashay qoraal ay sabtida soo saartay, islamarkaana ku sheegtay in dhacdadaasi tahay xad gudub cad oo lagula kacay sharciga caalamiga ah iyo xisaannadda Diblamaasiyiinta.
“Cumaan shalay waxa soo gaadhay war si aada looga murugooday oo ah bartilmaameedsiga lagula kacay guriga Safiirka ee Sanca, Weerarkaas oo ah xadgudub cad oo lagula kacay cahdiyada caalamiga iyo shuruucda dhigaysa sida ay lama taabtaanka u yihiin Dhismeyaasha Diblamaasiyiinta,” ayaa lagu yidhi Qoraalka wasaaradda khaarajiga ee Cumaan oo aan bixin tafaasiil dheeraad ah.
Dawladda Cumaan ayaa sidoo kale dhinacyada Yemeniyiinta ah ee dagaalansan ku boorisay inay dhinac iska dhigaan khilaafaadkooda si tubta nabada iyo xasiloonida loogu soo dabaalo dalka Yemen.
Duqaymaha isbahaysiga sucuudigu hogaamiyo ayaa sii xoogaystay todobaadadii u dambeeyay kadib markii ciidamo wadamada gacanka Carbeed ka socda iyo maleeshiyaad u daacad ah madaxweynihii Yemen ka baxsaday ee Abd-Rabbu Mansour Hadi kordhiyeen olole ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Sanca oo Xuutiyiintu sanadkii 2014 qabsadeen.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in tan iyo bishii March Yemen lagu dilay dad gaadhaya 4,900 qof. Qaramada midoobay ayaa dhibaatada iyo silica bani’aadanimo ee ka jira Yemen ku tilmaantay mid aan la fahmi Karin oo xad dhaaf ah.