Gudoomiye aadan shine oo ahaa masuulkii ugu horeeyey ee Qurbajoog ah ee loo
soo magacaabo taarikhda abid magaalo Ganacsiyeedka Togwajaale oo kutaal marin muhuum u ah Somaliland islamarkaana ah xarunta Ganacsi ee ugu wayn ayaa loo soo magacaabay Aaadan shiine 6 bilood ka hor iyada oo ay lasoo daristay duruufo adag iyo aqoon la,aan xaga nolosha iyo arimaha bulshada isaga oo ku fashilmay qaabkii uu wax u maarayn laha isqaqabsi iyo muran dheer kadib ayaa waxa cuqaasha iyo waxgaradka degmada togwajaale dacwado geeyeen madaxtooyada iyadoo wasiirka Arimaha gudaha Cali maxamed warancade hawlo safar shaqo ah ugu maqnaa dalka Ethiopia ayaa islamarkii uu wadanka kusoo laabtay waxaa wasiir warancade oo uu horkacayo wasiirka warshadaha Shacayb maxamed muuse oo hada kamida ah wasiirada ugu awooda badan xukuumada Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa magaalada usoo gaadhay siidii ay ugu kuur gali lahaaye xaalada dhabta ah ee ka jira magaalada togwajaale ayya waxay la kulmeen cuqaasha odayaasha waxgaradka magaalada Gudiga horumarinta Gudiga wanaag farista iyo xumaan reebista Gudiga Ganacsatatada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan waxa halkaa kulan fooda isku daray Wasiiradii xukuumada ka socday oo dacwad kadhan ah maamulka u gudbiyeen iyadoo wasiirkuna xogwaraysi dabadii aqbalay inuu tixgalinayo dalabka odayaasha oo ahaa mid ku qotoma xaaqiiqi jirtay lacaghii 6 dii bilood ee u dan beeyey oo la waayey meelkaliya oo waxlagaga qabtay taasina noqotay ta soo dadajisay xilka qaadistiisa lana soo magacaabay cabdi saleebaan xasan oo ka mid ahaa haldoorka magaalada iyada oo mudo 7 cisho ah lasugayo inuu xilka wareejiyo mayerka xilka laga qaaday ayaa illaa hadan aan iska sooxaadirin xafiiska si uu xilka u wareejiyo illo wareedyo laga soo xigta xubno kamida laamaha dawlada ayaa sheegay in Gudoomiyihii hore Aadan shine loo jarayo waaran maxkamadeed oo lagu soo xidho isaga oo ka dhaga adaygay degreetadii wasiirka arimaha gudaha iyada oo lala xidhiidhinayo inuu xidhiidh dhaw lalahaa wasiiradii is casilay kuna taageersanaa mawqafkooga kuna sheegay inay asiibeen siyaasada casrigaa masuuliyiinta is casilay dorfiicana ka ciyaaridoonaan wajiga cusub ee furmay Aadan shine oo lagu tirinjirey inuu soo macacaabeen Qoyska madaxtooyada ayaa mudooyinkii udan beeyey ku hawlanaa qorshe ka dhan ah dadkii soo magacaabay
Cawke Axmed Faarax Togwajaale Somaliland
Email: Cawke001@gmail.com