Gudoomiye Xirsi oo si rasmi ah ula wareegay hogaamintii xisbiga Waddani

0
349

Gudoomiye Xirsi oo si rasmi ah ula wareegay hogaamintii xisbiga Waddani

Guddoomiyihii hore ee Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa saaka xafiiska ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga WADDANI ee lagu soo doortay Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah xilkii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ugu wareejiyay Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ah Guddoomiyaha Cusub ee Xisbiga WADDANI, isla markaana ugu duceeyay in uu Alle u fududeeyo xilka Guddoomiye-nimo ee Xisbigu u doortay.