Burco(Halsan):-Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbigaas ayaa maanta galinkii hore si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta Gobolka Togdheer Ee Burco.
Waftigan ayaa waxaa ku wehelinayay safarkiisa Mas’uuliyiin Cul-culus oo ka tirsan Xisbiga oo uu ka mid ahaa wasiirkii hore ee boosaha iyo isgaadhsiinta iyo mas’uuliyiin kale.
Hadaba mar aan ku booqanay Hotelka uu waftigani ka degen yahay Magaalada Burco ayaa waxaa noo suura gashay in gudoomiye Seed aan wax ka waydiino ujeedka Safarkoodu uu daaran yahay, waxa uuna ku koobay inay ka qayb galayaan laguna soo casuumay xidhitaanka Shir dhaqan oo mid ka mid ah beelaha Somaliland uga socday Caynaba.