GUDOOMIYE KU XIGEENKA WADDANI OO KA HADLAY QURBAJOOG LAGU XIDHAY GOBOLKA AWDAL

0
864

Borama (Halsan) Axmed Muumin Seed, guddoomiye xigeenka 1-aad ee xisbiga Waddani, ayaa sheegay in xukumaddu si joogta ah xadhig ugula kacdo dad qurbaha ka soo laabtay oo aan wax dambi ah lahayn, kuwaasi oo marka muddo jeelka lagu hayo dib loo soo daayo.

Mudane Seed, oo saxaafadda kula hadlay Boorama, waxa uu sheegay in dadkaasi yihiin kuwa taakulada ka gaystay xaaladdaha dalka guddihiisa ka jira “Qarankeenan marka xaaladdiisa guud la eego waa nabad galyo laakiin, waxaa marag ma doon ah in xukumadda Siilaanyo baryahan dambe caado ka dhigatay in dadka reer Awdal la beegsado oo la cabsi galiyo, oo runtii dadka reer Awdal ee qurbejoogta ah ee muddada badan dalkooda hooyo ka maqnaa, ee ah dadka Somaliland wax tara ee ka soo qayb qaata qaadhaanka Waddooyinka, Dhakhtarada iyo dhinac walba, kuwaas oo dalka ku soo guryo noqday si xun loola dhaqmay oo habbeennadii u dambeysay imika dad badan guryaha loogu daatay oo la qabqabtay kadib marka laba cisho la hayana la iska soo daynayo,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Guddoomiye xigeenka Waddani, waxa uu xukumadda u soo jeediyay in cidii ay ku tuhunsan tahay dhibaato ka dhan ah dalka iyo dunida kaleba loo maro sifo sharci ah “Waa in dabagal lagu sameeyaa oo la hubsadaa in qofku dambiile yahay laakiin, dadka qaar haddii la beegsado oo la yidhaa hebel baad ku xidhan tihiin, taasi waxay keeni doontaa nabad galyo darro saamaysa Somaliland, markaa waxaanu xukumadda ugu digaynaa inaan reer Awdal gayin culayskan lagu hayo, waa dadkii Somaliland aasaasay, waa dad nabadgalyada jecel, waa dad aqoon leh..” ayuu yidhi Mudane Seed.

Barnaamijka Xisbiga Waddani

Mudane Axmed Muumin Seed, waxa uu iftiimiyay qodobo hordhac u ah Ballanqaadka xisbiga Waddani u samaynayo bulshada Somaliland “Waxay wasiirada qaar ku soo celceliyaan, xisbiga Waddani Barnaamij ma leh. Runtii anaga barnaamijkayagu wuu cad yahay waxaanan jecelahay inaan laba kalmadood ka iftiimiyo;

Barnaamijkayaga waxaa u horeeya oo aanu bulshada Somaliland u balanqaadaynaa inaanu soo celin doonno Haybaddii iyo qarannimadii Somaliland lahayd ee hore looga bartay;

Waxaa laba ah in Garsoorka dalku noqon doono mid madaxbanaan;

Qodobka saddexaad waxaanu ballanqaadaynaa in haddaanu soo baxno Madaxweynuhu wixii su’aalo ah ka jawaabi doono, shacabkiisana fagaaraha kala hadli doono;

Waxa kale oo aanu ballanqaadaynaa in hantida qaranka ee boobka lagu hayo wixii sifo sharci darro ah lagu qaatay oo dhan lagu soo celin doono gacanta dawladda;

Waxaanu ballanqaadaynaa in Somaliland oo aad ogtihiin dhibaatada ka taagan gobolada galbeedka iyo bariga inaanu dadka tusi doono in Somaliland tahay qaran dadku wada leeyahay oo ay u midaysan yihiin dhibkiisa iyo dheeftiisa;

Waxaanu ballanqaadaynaa in Saxaafaddu madaxbanaanaan doonto oo aan laga hor istaagi doonin madaxweynahooda wixii ay doonaana ay waydiin doonaan, intaas baan u iftiiminayaa dadka Waddani barnaamij ma leh leh” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here