Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarid Mudane Faysal iyo Cirro oo Ka hadlay Ujeedada Shirka Isbahaysiga iyo waxa laga fillaayo.

0
656

Hargeysa( Halsan )Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarid Mudane Faysal iyo Cirro oo Ka hadlay Ujeedada Shirka Isbahaysiga iyo waxa laga fillaayo.ayaa sheegay inay talooyin bilaa turxaan ah ka filayaan kulanka maanta Mucaaradka uga furmay Hargeysa. Waxay sheegeen inaan shirka mucaaradku ahayn mid Xukumadda lagu xumaynayo balse ujeedkiisu yahay sidii arrimaha khaldan loo sixi lahaa.

 

“Arrimaha ugu waaweyn ee ina haysta waxaa ka mid ah Haykalkii dawladnimo ayaa inaga baaba’ay. Waxaa inaga baaba’ay hay’addihii dawladnimada. Waxay ku baaba’een wakhtigoodii oo ay dhaafeen, Wakiillada markii saddexaad baa loo kordhinayaa, guurtidu 20 sannadood bay fadhidaa, xukumaddiina hadda ayay ka dhammaanaysaa” ayuu yidhi Eng Faysal.

 

Eng Faysal oo sii hadlaya waxa uu yidhi “Kulankeenan waa inaynu kaga hadalno waxyaabaha xundhurta ah ee inaga khaldan. Waa in laga hadlaa Dastuurka oo dib loo eego, waa in laga hadlaa guurti ma u baahannahay, waa in laga hadlaa Wakiilada, waa in laga hadlaa Salaadiintan Siyaasiyiinta noqday, waa in laga hadlo xukumadda iyo xisbiyada oo bilaa nidaam ah oo la iska wada garab hadlayo, waa in Nidaamka laga hadlo umad bilaa nidaam ahi dal ma dhisi karto, waad aragtaan dawladihii hoose ayaa baaba’a ah oo aynaan biyo iyo laami midna haysan.”

 

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in kulankan mucaaradka lagu lafo guri doono arrimaha u baahan wax ka qabashada islamarkaana talooyin wax ku ool ah laga soo saari doono. Waxa uu sheegay inaanu ahayn kulan lagu jiqsiinayo xukumadda balse loo baahan yahay waxyaabo lagaga baxo.

 

Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna ka hadlay ujeeda keentay kulankan “Maxaa kallifay inaynu shirkan qabanno?, shirka inaynu qabanno oo talo is waydiino  waxaa kallifay kadib markii heshiiskii Asxaabta iyo xukumadda ee shacbigu ku farxay ee soo afjaray khilaafkii muddo kordhinta xukumaddu ka baxday, kadib markii xukumadda Somaliland ku fashilantay inay taariikhdii ku qabato doorashooyinka, kuwaas oo bedeli lahaa hay’addaha dastuuriga ah ee Somaliland, hadday tahay baarlamaan iyo hadday tahay madaxweyne ba, kadib markay u muuqatay inaanay xukumaddu rabin inay doorasho qabato, taas oo khatar galin karta nidaamka geedi socodka Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii ay u muuqatay in dalkani ku jiro marxalad adag oo u baahan talooyinkii lagaga bixi lahaa. “

 

Guddoomiyaha Waddani oo sii hadlaya waxa uu yidhi “Waxay laba xisbi ku qanceen inay tahay xilligii ugu haboonayd in la qabto shir talo la isku waydiinayo. Talooyinkaas oo hufan oo aan cidna loogu dan lahayn in lagu maago laakiin, lagu badbaadinayo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa halkan yaala hawlo badan ama kuwa doorashada ha noqdeen ama kuwa wakhtiga doorashada ha noqdeene. Qarankan waxaa masuul ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, markaa mushaakilkaa is biirsaday waxay waajib ku tahay Madaxweynaha Somaliland inuu soo bandhigo sidii looga bixi lahaa, anaguna waxaanu ku biirin taladii lagaga bixi lahaa”.

 

Halsan Media Group

Hargeysa/Somalilandgud ciro3gud ciro4gud ciro5gud ciro2