Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Dacwada Ka Dhanka Ah Saldhiga Berbera Ee Soomaaliya U Gudbisay UN

0
611

Gudoomiyaha Xisbiga UCID  Oo Ka Hadlay Dacwada Ka Dhanka Ah Saldhiga Berbera Ee Soomaaliya U Gudbisay UN

 

Hargeysa(Halsan):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dacwada ay dawladda soomaaliya ka gudbisay heshiiska ay somaliland la gashay UAE ee saldhiga Berbera.

Gudoomiye Faysal oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanay wax saamayn ah yeelan Karin dacwada ay soomaaliya gaysay qaramada midoobay.

Ugu horayn gudoomiye Faysal oo ka hadlaya dawlada soomaaliya iyo heerka ay taagan tahay ayaa waxa uu yidhi “Markasta waxaan sheegaa inaanay nimankani dawlad ahayn, dawladi waxa weeyaan dawlad dhulkeeda haysata oo la doortay oo xuduudeedii joogta oo cashuurtii qaadaysa oo sharcigii qaadaysa balse waa koox magacaas la siiyey lana ictiraafay si looga adeegsado
 

danaha laga leeyahay oo ah in saliida la gurto oo xalane laga dhex samaysto magaalo in dhalinyarada lagula dagaalamo, waa wax sidaa loo samaystay.”

Sidoo kale gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ka hadlay dacwada ay soomaaliya u gudbisay qaramada midoobay, waxaanu yidhi “Maadaama UN-ta la fadhiisiyey ileen dawlad ayaa laga dhigaye, wadan kasta oo xubin ka ah UN-ta xaq ayuu u leeyahay in la dhagaysto waana la dhagaystay ninkii lahaa wakiil ayaan ka ahay ee halkaas joogay laakiin wax raad ah oo ay ku yeelanayso heshiiska aanu la galnay Itoobiyo Imaaraadka ma jiro markaa dadka yaan la waalin, waxaanay marayaan wadddadii dawladnimo laakiin dawlad maaha dawlad awood leh oo shaqaynaysa wax ay naga qaadi karaana ma jirto, IGAD ayey gaadhsiiyeen iyada oo ay ka dambeeyeen dawlado jaar la ah somaliland in lagu soo daro waxyaabo aan loo baahnayn.”

Sidoo kale   gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in la cadaystay cadaawad iyo colaad loo hayo somaliland iyo shacabkeeda, waxaanu bulshada ugu baaqay inay isku duubnaadaan waxaanu yidhi “Waxaad ogaataan in dad markii hore inoo qarsanayey colaadoodu ay cadaysteen oo laynagu duulimaad yahay oo aynu dhex galnay tartan ka dhaxeeya dawlado, waa inaynu foojignaano oo midnimadeena ilaalino, inaga oo midaysana aynu difaacno xuquuqda dalkeena, waxa laga dhimanayaa horu marka aynu samaynay, cilaaqaadka aynu dadka la yeelanay, xulafada aynu yeelanay ee aduunka inooga dacwoonaysa, waxaas oo dhamina waxay ku xidhan tahay midnimadeena, haddii aynu tafaraaruq samayno waa laynaga adkaanayaa hadii aynu mid noqonana cidna inaga adkaan mayso.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here