GUDOOMIYAHA WARGEYSKA OGAAL OO XARUNTA CID-DU XOG WARAYSATAY IYO EEDAHA LOO HAYSTO

0
575

Hargeysa(Halsan):- Guddoomiyaha wargeyska fadhigiisu yahay Hargeysa Ee Ogaal, Muuse Faarax Jaambiir , ayaa hay’adda dambi baadhista ee CID-du xog waraysi kala yeelatay xoggo wargeysku ka qoray qorshaha xukumaddu ku wareejinaysay Haamaha shidaalka ee Berbera.

 

Guddoomiyaha Ogaal, ayaa xarunta Dambi baadhista tagay xalay kadib markii xarunta wargeyska loogu keenay warqad yeedhmo ah oo maxakamadda ka soo baxday, iyadoo halkaasi lagu waydiiyay xagga uu ka keenay xogaha wargeysku ka qoray Haamaha xukumaddu wareejin rabtay.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu CID-da ugu war celiyay in xogaha ay hayaan yihiin wixii Wargeyska lagu soo daabacay, islamarkaana ay la xidhiidhay dareenka bulshada ku qabto wareejinta Haamaha iyo sidii shacabka loogu iftiimin lahaa.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay  in arrinta CID-du baadhis kiis la xidhiidho, isla markaana uu xog ku helay in dacwaddani ka timi dhinaca madaxtooyada oo ay la xidhiidho warar iyo dareenada shacabka ee la xidhiidha mawduuca Haamaha oo uu baahiyay.

Wargeyska Ogaal ayaa todobaadkii hore baahiyey Xogo la xidhiidha in xukuumaddu ku wareejinayso Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera shirkado gaar loo leeyahay oo qaarkood lagu xidhiidhiyey inay iska leeyihiin ama Saamiyo ku leeyihiin masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here