Gudoomiyaha Degmada Laasqoray Oo Gudidda Abaaraha Ugu Baaqay Inay Gurmad Soo Gaadhsiiyaan Dadka Degan Deegaanadaa

0
588

Hargeysa(Halsan): -Guddoomiyaha Degmada Laasqoray ee xeebka bariga Sanaag, ayaa qaylo dhaan abaareed ka soo saaray deegaamada uu maamulo, waxaanuu sheegay in ay deegaamadaasi ka taagan tahay xaalad adag oo abaareed oo saamaysay dadkii iyo xoolihii deegaamadaasi ku noolaaba.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Sucuud ayaa ugu baaqay guddida abaaraha heer qaran ee Somaliland iyo dadka qurba joogta ah ee deegaamadaasi ka soo jeedaba in ay dadka abaaruhu saameeyeen la soo gaadhaan wixii ay awoodaan ee taakulo ah.

Maayirka Laasqoray  Cabdiraxmaan Maxamed Cali ( Sucuud) oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Abaaro ayaa ka jira deegaamada buuraha ee ay laasqoray xukunto, waxa ka taagan deegaamadaasi abaar xoogan oo dadkii iyo xoolihii xaaladdoodu way adagtay, waxaan ugu baaqay guddida abaaraha Somaliland in ay qorshaha ku darsadaan dadkaas walaalohood ah ee abaaruhu saameeyeen, waxaanu leenahay wixii taakulo ah ee ay awoodaan waa in lal soo gaadhaa, sidoo kale dadka deegaanka u dhashay ee qurbajoodta ah waxaanu ugu baaqaynaa in ay u soo gurmadaan dadkooda dhibaataysan” ayuu yidhi Guddoomiye Sucuudi.

Taliyaha Saldhiga  Ciidanka qaranka ee degmada Laasqoray Cabdirashiid Axmed Maxamed oo isaguna ka dhawaajiyay  in abaar baahsani ka jiro deegaankooda, waxaanuu sidoo sheegay in aan qorshaha lagu darin deegaamodooda  meelaha ay guddida abaaruhu qorsheeyeen in la gaadhsiiyo taakulada loogu talo galay, waxaanuu u soo jeediyey in qorshaha lagu daro oo la soo gaadhsiiyo deegaamadaasi gurmad wixii loo heli karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here