Gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Sheegay Inay Soo Afmeereen Wajigii Koowaad Ee Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Gobolka Maroodi-jeex kana Hadlay Dadka Musharaxiinta Ah Ee Dalka Kusoo Badanaya

0
646

Hargeysa(Halsan): -Xubno kamida gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa waxay sheegeen inay soo afmeereen wajigiii koowaad ee diiwaangalinta codbixiyayaasha gobolka maroodi-jeex,waxaanay masuuliyiintani saluugeen qaabka ay gobolka maroodi-jeex uga socoto diwaangalintu iyaga oo sidoo kalena baaq dheer u diray bulshada gobolka uguna baaqay inay is diwaangalinyaan qaataana kaadhka codaynta.

Gudoomiyaha komishanka doorashoyinka qaranka Somaliland mudane Cabdiqaadir Imaan oo ugu horeyn goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inay habacsanaan wayni jirto dhanka diiwangalinta codbixiyayasha gobolka maroodi-jeex, waxana uu baaq u diray bulshada gobolka maroodi-jeex isaga oo ku booriyay inay is diwaangaliyaan wajiga labaad ee diiwaangalinta oo soconaysa muddo todoba casho ah waxaana gudoomiyaha oo arimahaa ka hadlaya uu yidhi.

“Waa in la barbar galaa oo waajibaadkii dawlada iyo dalku kuu leeyahay dadwaynuhu fuliyaan oo ah oo inay isdiwaangaliyaan oo ay doortaan markay doorashadu timaado qofkii xukumi lahaa ee ay u arkaan inuu yhay ka ugu haboon si taa loo gaadho waa in diiwangalin la helaa, taasina bulshooy gacantiina ayay ku jirtaa marbaanay idin soo maraysaa waxaa jira habacsanaan oo halkaa laga dareemaya in waajibaadkiinii wax dhiman yahay waxaan jecelnahay inaad kasii badisaan oo is diwaangalisaan jaaniska labaad waa todoba cisho oo danbe oo maanta ka bilaabmaysa waxii intaa ka danbeeya way koobmaysaa markaa bulshooy waa inaad is diwaangalinsaan oo qaadataan kaadhka”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka.

Dhanka kalena waxa iyagu goobtaasi ka hadlay xubno kamida gudida komishanka doorashooyinka qaranka iyaga oo dhamaantood ka dhawaajiyay inay jiraan habacsanaan xaga diiwangalinta gobolka maroodi-jeex ah waxanay dadwaynaha ugu baaqeen inay isdiwaangaliyaan oo ay qaataan kaadhka codaynta waxana sidoo kale soo bandhigeen tirada goobaha ay kasoo dhamaatay diiwaangalintu oo ay sheegen inay dhan tahay ilaa 104 goobood oo kala ah deegaanada cadaadley,dacarbudhuq,daarasalaam,saba-wanaag degmada fara-wayne,iyo degmada salaxley  oo iyagu ka baxsan magaalada hargeysa.

Ugu danbayntii gudidu waxay ka hadleen musharaxnimada mudooyinkii u danbeeyey dalka kusoo badanaysa taasi oo ay sheegeen inaanay jirin wax musharax ah oo aan iska soo sharixin xisbiyada qaranka isla markaana aan liiskooda looso gudbin, waxaanay fariin digniin ah u direen maayarka caasimada hargeysa oo ay sheegen inuu ka fujiyo boodhadhka lagu shaacinayo musharaxiinta ee ku yaala wadooyinka magaalada hargeysa.