Guddoonka Baarlamaanka oo go’aan rasmi ah ka soo saaray mooshinka Madaxweynaha ka dhanka ah (Akhri qodobada Warqadda)

0
655

Muqdisho( Halsan) :-Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow soo saaray qoraal uu uga hadlayomooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoona ka dalbaday hay’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo maamul goboleedyada dalka inay howlahooda si caadi ah u gutaan.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda dalka ku lugta leh inay joojiyaan khalkhal gelin iyo joojinta howlaha qaranka, isagoona hoosta ka xariiqay in Golaha Baarlamaanka uu gudanayo howlaha dastuuriga ah.

“Mooshinkaan waxaan qabtay taariikhdu markay ahayd 12-kii bishaan, waxaana ku saxiixnaa 93-Xildhibaan” ayuu qoraalkiisa ku yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan mooshinkaasi la geynayo fadhiyada ugu horeeya ee Golaha Baarlamaanka.

Click to access