Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Maroodi Jeex Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Qaadista Uu Madaxwaynaha Somaliland Ku Sameeyay

0
644

Hargaysa(Halsan):-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Maroodijeex Mustafe Cabdi Ciise(Shiine)ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu ku sameeyay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamuud Silaanyo oo maanta wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday.Gudoomiye Shiine  oo ka dareen celiyay xilka qaadistan ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa. “Waxaan goordhawyd baraha bulshada ka arkay in Madaxweynaha JSL uu iga qaaday xilkii uu markii hore ii igmaday ee Badhasaabnino. Run ahaantii waa masuuliyad dastuuri ah oo uu lee yahay madaxweynuhu , anigana sida sharafta leh ee warqada Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ku qoran waxaan xilka ku wareejin doonaa niyad sami.Waxaan madaxweynaha uga ahad celinayaa shanta jeer ee uu soo saaray xeerka madaxweyne ee uu igu igmaday iyo labada xeer ee kale ee midna uu iiga aqbalayistiqaaladii, kadib markii aan iska casilay xilkii Maareeye xigeenka Madbacada iyo xeerkan uu maanta xilka iiga qaaday. Inta aan noolahay waxa aan ahaan doonaa arday jecel oo u dabran ilaalinta karaamada iyo taariikhda guunka ah ee uu ummaddan ku dhex lee yahay Madaxweynuhu weligayna ilaabi maayo wixii abaal iyo karaamayn ahaa ee uu shaqsiyan ii galay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here