Guddoomiye Cirro Oo Si Kooban Uga Hadlay Xubnaha Iska Casilay

0
679

Hargeysa(Halsan) :-Hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo golaha wakiillada, ayaa maanta dalka ku soo laabtay kadib markii uu soo dhammaystay safar uu ugu maqnaa dalka Jabuuti.
Guddoomiye Cirro oo saraakiil xisbigiisa ahi ku soo dhawaysay Madaarka Hargeysa ayaa safarkiisa ku sheegay mid shakhsi ah oo uu dalka Jabuuti ku tagay. Waxa uu shacbiga Somaliland iyo shucuubta Islaamka ku bogaadiyay munaasibadda Ciidal fidriga ee maanta loo damaashaadayo.

Guddoomiye Cirro waxa uu si kooban uga hadlay masuuliyiin xisbigiisa ka tirsan oo dhawaan iscasilay “Saaxiibadeydaas iska casilay xilkii ay hayeen markii hore ikhtiyaarkooda ayey xisbiga ku yimaadeen iminkana ikhtiyaarkooda ayey kaga baxeen xisbiguna waa xisbi dumuqraadi ah jeel ma aha dadka lagu hayo waana imanayaan dadku waana ka baxayaan . Nimankaas wax xumaan ah oo aanu u heyno ma jirto saaxiibo nala soo shaqeeyey ayey ahaayeen “ ayuu yidhi Mr Cirro.

Maalmihii la soo dhaafay ayay xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iska casileen Xoghayihii Waddani ee qorshaynta Cabdirashiid Riyo-raac, Xoghayihii daakhiliga mustafe Qodax, guddoomiyihii heer qaran ee dhalinyarada Mr Gaab iyo guddoomiyihii wacyigalinta, kuwaasi oo sababtay xisbiga uga baxeen ku koobay is fahan la’aan iyaga hogaanka u dhexeysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here