Guddoomiye Cabdiraxman Cirro Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga +SAWIRO

0
695

Jigjiga(Halsan):-Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) Oo Maalmihii u Danbeyayba Safar ku Joogay Dalka Ethiopia ayaa Maanta si baladhan loogu soo dhaweyay Magaladda Jigjiga.

Gudomiye Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi  Waxa Garoonka Diyaradaha Magalada Jigjiga ku soo Dhaweeyay Madaxwayne ku Xigeenka Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia Mawliid Xayir ahna Wasiirka Waxbarashada. Waxaana Gaba-gabadii Gudomiyaha u Galbiyeen Aqalka Martida Jigjiga Oo Uu Gudomiyuhu ku Sugnaan Doono inta ku Sugan Yahay Magaaladda Jigjiga.

Socdaalkani Uu Gudomiye Cirro ku Yimi Magaalada Jigjiga ayaa waxa ku Wehelinaya Mujaahid Axmed Cumer Xamarji Oo ka Mid ah Madaxda Xisbiga Mucaradka Wadani,

 

Safarkani Uu Gudomiyaha Barlamanka  Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi Cirro ku Yimi Magalada Jigjiga ayaa Ujadadiisu DaaranTahay Marti-Qaad Rasmiya Oo Uu Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Somalida  Ethiopia u Fidiyay GudomiyeCirro.

Ugu Danbayntii Safarkani Gudomiye Cirro ku Tagay Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia Ee Jigjiga ayaa ku Soo  Beegmaysa Wakhti Uu Dhawaan Gudomiye Cirro kaQayb-Galay Xuska Qowmiyadaha Ethiopia Oo ka Dhacay Kililka Gambeela.cirrrru cirrrrrrrrrr ciiir cirrrr ciiiiiiiiiii CIIIII9