Guddoomiye Baashe Maxamed Oo Sheegay Inaan Wakiilladu Ka Tanaasuli Doonin Muddo Kordhinta Guurtida, Waxaanu Ku Hanjabay Inay Isbahaysiga Daadafayn Doonaan

0
720

Hargeysa(Halsan) :-Guddoomiye xigeenka 1-aad ee golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa ku tilmaamay inaan golaha wakiillada ee guddoomiye Cirro hogaamiyaa ka tanaasuli doonin wakhtiga guurtidu u kordhisay ee ku siman April 2017-ka. Waxa uu sheegay in haddii xukumaddu ogolaanayso bisha december 2016 ay tahay hawl iyada u taala balse aanay wakiilladu aqbali doonin wax ka duwan go’aankii guurtida.

 

”Haddii Mucaaradku yidhaa goleyaashu ma jiraan, sharciga ayay ku gefayaan. Haddii qolada xukumaddu december doorashada qabsanayso, anaga teeramkayagu waxa weeye 20-ka April, 2017-ka, wakhtigaas baa golaha wakiillada loo kordhiyay. Doorashada wakiilladana waxay ka horaynaysaa bil oo 27 March inaanu doorashada u tartano ayuu sharcigu dhigayaa” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

 

Waxa uu sheegay in go’aanka guurtidu dhacay sidaasna ku yahay sharci maadaama aanu Madaxweynuhu saxeex ku lahayn, waxaanu sidoo kale ku hanjabay inay go’aan gole ku soo saari doonaan inaan mucaaradku xisaanad lahayn haddii mucaaradku sii wado dhaliisha goleyaasha.

 

”Markaa haddii sharciyaddii la diiday oo la leeyahay 27-ka July marka la gaadho dawladdi ma jirto, anaga Wakhtigayagu wuxuu ku eeg yahay March, 2017 oo aanu doorashada galaynaa, xukumaddu hadday december galayso waa fasax illayn iyagaa marka horeba wax la saxeexday Mucaaradkee. Xisbigii yidhaahda goleyaashu ma jiraan waxaanu u sheegaynaa inaanu odhan doono Xisbiyadu xisaanad ma leh, goleyaasha wakiillada iyo guurtida ayaa xisaanad leh, intaana waxaanu ka dhawrsanaynay inaanu nidhaa asxaabta mucaaradku ma jiraan oonu waliba go’aanno iyo sharciyo ku soo saaro hadday ka waantoobi waayaana way imanaysaa,” ayuu mudane Baashe.

 

Hadalka guddoomiye xigeenka koowaad ee xukumadda iyo xisbiga Kulmiye u daacadda ah ayaa imanaya xilli guddoomiyaha golahaasi si weyn uga soo horjeedo muddo kordhinta guurtida Somaliland sidoo kalena diidan yahay in xukumadda iyow akiilladu  sii fadhiyaan Kursiga.