Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo la kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Washington.

0
711

Wash(Halsan):-Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Washington, Virginia iyo Maryland ayaa xalay casho sharaf u samaysay weftiga ka yimi Somaliland ee uu horkacayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

 

Xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa isu keentay dadweyne kala duwan oo metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolladaas, waxaana khudbdo goobtaas ka jeediyey weftiga ka socday Somaliland oo xog waran ka siiyey xaaladda dalka. Ugu horrayn waxaa weftiga soo dhoweeyey Jamaal Axmed Dharoor Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee gobolladaas, wuxuuna xafladda ka sheegay in Jaaliyaddoodu ay ku faraxsan tahay inay markii labaad soo dhoweeyaan wefti ka socda Somaliland iyaga oo hore casho sharaf ugu sameeyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

 

Jamaal oo ku hadlayey afka Jaaliyadda ayaa sheegay inay iyagu ka madax banaan yihiin siyaasadda iyo taageerida Xisbiyada, hase ahaatee ay diyaar u yihiin inay soo dhoweynta kala qayb galaan masuul kasta oo ka socda Somaliland oo safar ku yimaadda Maraykanka. Waxaa xafladdaas hadal aad u qiima badan ka jeediyey qaar ka mida xubnaha weftiga.

 

Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde oo ah ruug caddaan in ka badan 19 sano ku soo jiray golaha wakiillada ayaa fahfaahin ka bixiyey xaaladaha dalku ku sugan yahay iyo doorka qurbe joogtu ka qaadan karto, wuxuu kale oo ku dheeraaday shaqda baarlamaanka haatan hortaalla.  Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay in golaha wakiilladu ay diyaar u yihiin inay doorasho galaan, hase ahaatee ay tahay in shaqo badan la qabto, ka hor doorashada, wuxuu si gaar ah sharaxaad uga bixiyey arrinta la xidhiidha saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka.

 

Xildhibaan Jirde ayaa sheegay, inay booqdeen gobollada dalka isla markaana macluumaadkii ay ka soo ururiyeen ay ka soo baxday in arrinta saami qaybsigu ay ka weyn tahay talo ay gaadhaan labada Gole baarlamaan hase ahaatee ay tahay arrin u baahan talo qaran, wuxuuna sheegay inay taladaas u gudbiyeen Madaxweynaha. Nuura Axmed Weris oo ah Wakiilka Xisbiga Waddani ee Virginia, Maryland iyo Washington oo weftigani marti u ahaa ayaa sheegtay inay si weyn ugu faraxsan tahay inay gobolkeeda ku soo dhoweyso Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, waxayse Nura ku dheeraatay in shacabka Somaliland ay u taallo hawl qaran oo ka gun-dheer taageerada Xisbiyada. Nuura ayaa tusaale u soo qaadatay kulan ay la yeesheen Wasaaradda Arrimaha Debedda Marayanka, taas oo ay uga soo baxday inuu hooseeyo xidhiidhka shacabka Somaliland ee ku dhaqan Maraykanku ay la leeyihiin wasaaradda Debedda, waxay ugu baaqday dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Maraykanka inay dedaal u galaan sidii dawladda Maraykanka ay uga dhaadhicin lahaayeen qadiyadda Somaliland.

 

Ugu dambayn waxaa goobtaas hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro. Guddoomiye Cirro ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey xaaladda Somaliland ee haatan iyo weliba arrimaha ay kala hadleen dawladda Maraykanka, wuxuuna Guddoomiyuhu iftiimiyey in si weyn loogu baahan yahay in bulshada Somaliland ay door ka qaadato dardar gelinta aqoonsi raadinta Somaliland. Guddoomiye Cirro ayaa goobtaas lagu weydiiyo suaalo kala duwan oo jaaliyaddu u qabtay, isaga oo suaalahaas uga jawaabay dadweynaha.

 

cirousa2 ciromaraykan cirousa4 cirousa okok