Nairobi(Halsan):-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali axmed ayaa la kulmay digiisa dalka Kenya.
Gudoomiyaha maxkamada sare oo socdaal shaqo ku jooga wadankaasi Kenya ayaa magaalada Nairobi waxa uu kulan kula qaatay madaxa garsoorka dalka Kenya Dr, Mutunga.
Madaxa garsoorka dalka Kenya ayaa gudoonsiiyey gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland koobi ka mid ah dastuurka dalka Kenya waxana ay kawada hadleen xoojinta cilaaqaaadka labada wadan iyo arimo kale oo ku saabsan Gobolka.