Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Oo Ka Hadlay Dacwado Ay Dhamaystireen iyo Dacwado La Yaab Leh Oo Maxakamaddaha Hor Yaala

0
771

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Oo Ka Hadlay Dacwado Ay Dhamaystireen iyo Dacwado La Yaab Leh Oo Maxakamaddaha Hor Yaala

Hargeysa(Halsan):- Aadan Xaaji Cali Axmed, Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Somaliland, ayaa sheegay inay dhammeeyeen dacwado muddo dheer soo jiitamayay oo Maxakamadda sare horyaalay. Dacwadahan ayaa qaarkood lagu dhammeeyay dhaar.
Guddoomiyaha oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay in bulshada Somaliland khalad ka fahansan tahay maxakamaddaha oo u taagan caddaaladda iyo difaacidda xaqa, islamarkaana u arkeen meel dacwada gashaa aanay dhammaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dacwad muddo saddex sannadood ah ka socotay maxakamaddaha dalka oo ku saabsan guri ku yaala Hargeysa, iskuna haysteen laba qoys haatan dhammaatay kadib markii labada dhinac maxakamadda ka ogolaadeen in guddi gaar ah oo Odayaal iyo xildhibaanno ahi hawshooda galaan, haddana guddidii dhammaysay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in habka noocan ah intii bisha Ramadaan lagu jiray ay ku dhammeeyeen kiisas adag oo qaarkood dil ahaayeen, kuwaas oo dhinacyadu ku kala baxeen dhaar ama in si gaar ah loo xalliyo
“Waxaan maanta saxaafadda ugu yeedhay inaan sheego inay muuqato in dadkeenii sharcigii u fahmeen, in inta la is dacweeyo 20 sanno, 15 Sanno, 16 Sanno, 18 Sanno dacwaddii socoto oo dabeedna dhinacyadii is dacwaynayay ba isku dul baaba’aan, hantidii la isku dacwaynayayna baaba’do, waliba gaar ahaan dacwadaha madaniga ah, waayo? Madanigu wuu ka fudud yahay waa wax laga tanaasuli karo, waa wax dhinacyadu hadal ku xallin karaan, markaa sidaas aanu Kiisaskaas u xallinay in lagu fakaro” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan.

Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa soo bandhigay arrin la yaab leh “Waxa kale oo la yaab leh oo aan idiin sheegayaa, dacwado Maxakamadda sare ku jira ama maxakamaddaha kale ku jira ayaa waxaad arkaysaa Jiilkii is haystay ee Dacwaddaa bilaabay inay geeriyoodeen, Jiilkii labaad ee amma ay dhaleen ama ehelkooda ahaa ee dacwada sii amba qaaday ay sariir yaal yihiin ama ay dhinteen oo hadda qolo saddexaad oo wax socday iyo arrinkani meel uu marayay ba aan garanayna ay hadda wadaan” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.

Guddoomiyaha Maxakamadda sare waxa uu bulshada u sharaxay waajibka Maxakamaddaha “Maxakamaduhu waxay u taagan yihiin inay sharciga ku taagnaadaan, inay xaqa difaacaan oo Caddaaladda raacaan” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Somaliland.
Guddoomiyaha Maxakamadda sare oo muddo kooban xilkaasi hayay ayaa laga filayaa inuu isbedelo dhanka caddaaladda ee Maxakamaddaha ku talaabsado islamarkaana soo celiyo kalsoonida bulshadu ku qabi karto hanaanka garsoorka oo hadda cabasho balaadhani ka jirto