Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland Oo Lagu Dhawaaqay

0
541

Garowe (Halsan)- Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo)   ayaa loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, markii uu helay wareeggii labaad ee doorashada 43 cod, halka musharraxa wareegga labaad kula tartamay ee Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Baarlamaanka cusub ee maamul goboleedka Puntland , xildhibaan Xusseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa natiijada ku dhawaaqay.

Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo looga guuleystay doorashada guddoomiyaha wareeggii labaad ayaa hadal kooban oo uu jeediyay waxaa uu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub, isagoo sheegay inuu ku qanacsanyahay natiijada ka soo baxday doorashada, waxaa kalo u ballanqaaday inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo guushiisa kaddib hadal jeediyay, ayaa ugu horrayn u mahadceliyay musharrixiintii la tartamayay, guddiga doorashada iyo dhinacyadii kale ee ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada.

“Dhinac waxaan ka dareemaya farxad, dhinacna culeys iyo mas’uuliyad weyn… waxaan codsanaya inad igu duceysaan inuu illahay xilkan ii fududeeyo oo igu asturo”. ayuu yidhi guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulka Puntland.