Guddida musdambeedka Jaalliyadda Holland oo warsaxaafadeed ka soo saartay kana digaysa shir la qaban qaabinayo

0
586

Guddida musdambeedka  Jaalliyadda Holland, kadib markii ay ogaadeen olole iyo dhaqdhaqaaqyo  ku saabsan shir la qaban qaabinayo  oo wax lagaga bedelayo Jaalliyadda oo baal marsan xeerka Jaalliyadda waxay isla garteen in ay lagama maarmaan tahay inay warsaxaafadeed ka soo saaraan arrintaa.

 

Guddidu markii ay heshay wararka ku saabsan qaban qaabada shirkaa

Markii ay xaqiiqsatay arrintaa iyo ololaha

Markii ay aragtay xeerka iyo nidaamka  ee magacaabidda iyo wax ka bedelka Jaalliyadda

Markii ay ku qanacday in shirkaasi yahay mid ka hor imanaya xeerka Jaalliyadda

iyagoo maanka ku haya waxa ka dhalan kara shir  qayrul dastuuri ah

iyagoo ka hortagaya dhibta ka iman doonta shir noocaas ah

iyagoo gudanaya waajibkooda Dastuuriga ah

 

Waxay halkan ku wargelinayaa dadweyanaha Reer Somaliland ee Holland in Guddida Jaalliyaddu aanay waxba kala socon shaqana ku lahayn shir lagaga tashanayo aayaha Jaalliyadda iyo in wax laggaga bedelo Jaalliyadda. Waxayna guddidu u iftiminaysaa Shacbiga in habka iyo nidaamka loo marayo magacaabidda hoggaanka Jaalliyadda iyo cidda xaqa iyo awoodda u leh uu si cad u timaamayo Dastuurka iyo xeer hoosaadka Jaalliyaddu.

 

Sidaa darteed Guddidu waxay go’aamiyeen in la joojiyo shir noocaa ah oo aan sharciga waafaqsanayn.  Waxayna ku baaqayaan in laga fogaado wixii abuuraya khilaaf iyo muran, lana ilaaliyo wadajirka iyo midnimada ummadda .

Waxan rajeynaynaa in cidkastaa garato waajibkeeda kuna ekaadto xayndaabka sharcigu u ogol yahay lana ixtiraamo ku dhaqanka Datuurka iyo Xeerka Jaalliyadda.

 

Allaah Mahad leh

 

Guddida Musdambeedka Jaalliyadda Holland