Guddida Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Turxaan Bixinta Liiska Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Go’aammo Soo Saaray

0
591

Hargeysa(Halsan): – Guddida madaxweyne Siilaanyo u magacaabay hubinta liiska golaha dhexe ee Kulmiye, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada baadhis ay sheegeen inay muddo shan maalmood ah wadeen. Waxay sheegeen in si daacadnimo leh oo xaqiiq ku salaysan ay u baadheen islamarkaana go’aan uga qaateen hawsha madaxweynuhu u igmaday.

 

Musharaxiinta madaxweyne ee kala ah Axmed Cabdi Kijaandhe, Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi Yoonis, musharaxa madaxweyne Xigeen Faarax Cilmi Geedoole iyo musharaxa guddoomiyaha golaha dhexe xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa hore u qaadacay guddidan iyagoo ku sheegay mid aan dhexdhexaad ka noqon karrin hawlaha la isku hayo, balse guddidu waxay sheegtay inay hawshooda qabsatay.

 

Cabdikariin  Xinif oo ka mid ah guddida ayaa ku dhawaaqay go’aanka wuxuuna yidhi “ Guddidu waxay soo saartay go’aankan hoos ku qoran:

  1. In habayaraatii liiska asalka ah ee  241-ka ah ee golaha dhexe aanay magacyadooda iyo sawirradooda wax khalad ah iyo wax isdaba marin ah midna aanay ku jirin;

 

  1.  Waxa kale oo aanu go’aaminay in xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Bade, Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, XIldhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Xildhibaan Ibraahin Maxamed Haybe, Wasiir Cali Sandulle iyo wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo xubno kale isku bedelay, maadaama la raacayo liiska golaha dhexe ee yaala xafiiska xeer ilaalinta, Komishanka…inay xubin waliba sideedii kaga mid ahaato golaha dhexe laguna bedeli karrin sidaasna ay shirka ku fadhiistaan kuna dhammaystaan, taas macnaheedu waxa weeye isku bedelkaas waanu diidnay.

 

  1. Xubnaha kala ah Maxamed Axmed Aadan(Wali Xaawa), Maxamed Carraale Duur iyo sheikh Maxamuud Xirsi oo geeriyooday Alle ha u naxariistee in iyagana jagadoodu sidaas ku bannaanaato.

 

  1. In Xasan Nuur Abokor oo bedelay Cabdikariin Baande iyo Cabdillaahi Awdaan Maxamed oo bedelay Maxamed Yoonis Cawaale loo ogolaado inay ka qayb galaan shirka golaha dhexe, loona sameeyo kaadhadhka xubinnimada maadaama qaabka loo soo bedelay waafaqsan yahay xeerka xisbiga Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here