Guddida Joogtada Ah Ee Wakiillada Iyo Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Ka Wada Hadlay Biyo Balaadhinta Hargeysa

0
875

Hargeysa(Halsan) :-Guddida joogtada ah ee aqalka wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan xog waraysi ah la yeeshay Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, waxaana lagu lafo guray halka ay marayaan mashaariicda biyo balaadhinta Hargeysa.

Guddoomiye kuxigeenka guddida xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale, ayaa markii kulanku dhammaaday saxaafadda u sheegay inay warbixin waafi ah oo ku saabsan qorshaha biyo balaadhinta ee Hargeysa ka heleen Maareeyaha wakaaladda.

 

“Guddida halkan joogtaa waa guddidii joogtada ahayd oo kulan la yeeshay maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, waxaanu wax ka waydiinay baahida biyaha ee wakhti xaadirkan Hargeysa taala iyo duruufaheeda iyo wixii iska bedeli kara mustaqbalka. Warbixin aad u faahfaahsan buu naga siiyay arrimahaas, su’aalo  badana xildhibaanadu way ka waydiiyeen arrimaha jira, jawaabo waafi ahna wuu na siiyay, intaas baanu kulakayagu ahaa” ayuu yidhi guddoomiye xigeenka guddidu.

 

Ibraahin Siyaad Yoonis, Maareeyaha wakaaladda biyaha ayaa isna sheegay in guddida xog waran ka siiyeen mashaariicda biyaha ee hadda socda, qorshaha Mustaqbalka iyo hawlaha wakaaladdu u xilsaaran tahay. Waxa uu sheegay inay tafaasiil ka bixiyeen waxyaabaha mudaneyaasha madmadowgu kaga jiray.

Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaanay inta badani helin biyaha Khasabadaha, waxaanay ku tiirsan yihiin Booyadaha oo biyaha uga soo dhaamiya dooxyo ka fog magaalada Hargeysa, kuwaasi oo aanay jirin cid hubisa fayo qabkooda caafimaad iyo sida ay nadiifta u yihiin.

 

Wakaaladda Biyaha iyo Wasaaradda biyaha ayaan wali cayimin xilliga la hirgalinayo mashaariic lagu horumarinayo biyaha Hargeysa, sida mashruuca xumbo weyne oo lagu wado inay biyo ka helaan degmooyinka koonfureed ee  Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here