Gorfeynta Buugga Milicsi; Sooyaalka Ururkii Waxdadda!

0
227

Gorfeynta Buugga Milicsi; Sooyaalka Ururkii Waxdadda!

Ma garanayo erey hadal lagu furto oo ka mug iyo miisaan weyn, kana qiimo iyo barako badan magaca Alle. Bariido gacaltoonyo kaddib, qofkasta oo sebankan nool, lab iyo dheddig kuu doono ha ahaadee; dunidana bartuu doono ha ka joogee, waa lama-huraan in uu wax ka ogaado, loolanka afkaarta buuggani xambaarsan yahay.

 

Buugga Milicsi waxa qoray Cabdillaahi Beershiya, waxa daabacday shirkadda Qalin-maal, tarmintii koowaad waxa la daabacay 2022, oo lagu daabacay Istanbull-Turki; wuxuuna ka kooban yahay 162 bog.

Oogada buugga haddii aan ku horreynu wuxuu iskugu jiraa laba midab oo dambari iyo dameeri ah; jaldiga foolka waxa ku yaal taswiir barbaar tiradoodu shan iyo toban tahay, kuwaas oo marka aan masanuuniyo da’doodu u dhexeyso 15 illaa 28 jir. Haddii aad si shishe u dhugato jaahooda waxa kaaga muuqanaya nuurka cibaadada; dhammaantood na waxa aygacmaha ku haystaan kutub iigu muuqday kuwa diini ah.  Sawirkaas hoostiisa waxa ku xardhan magaca buugga, oo uu ku hoos qoran yahay magaca qoraha buuggu.

 

Buuggu wuxuu ku qoran yahay luuqad fudud oo hodan ah, farshaxannimada  qoraaguna waxa ay suurto-gelisay, in uu dhacdooyinka taariikheed ee buugga u soo gudbiyo hab sheeko ah, oo aan akhristu ka caajisayn.

Buuggani wuxuu ka warramayaa dhaqdhaqaaq feker, oo ummad ahaan taariikhdeena si toos ah iyo si dadban ba u saameeyay; wuxuu ka hadlayaa ururkii waxdadda  oo la aasaasay 8. March. 1969. Ururkan oo sida buugga Milicsi ku xusan, qorshihiisu ahaa in dhallinyarta laga samato-baxsho isticmaalka maan-dooriyayaasha iyo macsida. Runtii waa shaqo weyn in barbaarta laga badbaadiyo, balwadaha iyo macsida noocyadeeda kala-geddisan.

Haddaba dhallinyarta la baxday Ururka Midawga Dhallinyarta Islaamku, waxa ay bilawgii xoogga saareen in dhallinyarta wax la baro, iyada oo hadafkooda ugu horreeyaa ahaa, in culuumta diiniga ah dhallinyarta la baro; sida oo kale waxa iyana la bari jiray cilmiga maadiga. Waxaanay gebi ahaan ba shaqadaasi ku bilaabeen si mutadawacnimo ah, oo aan arday wax lacag ah laga qaadin.

Si kasta ba ahaatee muddo markii ay shaqadaasi ku foognaayeen, waxa ay culays iyo cadaadis kala kulmeen Kacaankii Maxamed Siyad Barre hoggaaminayay, oo qaatay aragti-siyaasadeedda Shuuciga ah ee loo yaqaan; Hanti-wadaagga cilmiga ku dhisan “Scientific socialism.”

 

Geesta kale, afkaartii falsafadda reer Galbeed ee diin-laawenimada ku dhisan, oo uu kacaanku doonyo-qaad u ahaa oo looga dan-lahaa, in caqiidada Islaannimo ee badhaxa-tiran ummadda lugu sumeeyo. Sidaas darteed ayay Waxdaddu ugu istaagtay, in ay ka hortagto fasahaadkaas caqiido ee ummadda lagu wado; haddaba wuxuu buuggani soo gudbinayaa dedaalladii dhallinyarta Waxdaddu samaysay, culaysyadii ka hor yimid, geeddi-socodkii dhismaha ururkooda iyo sidii ay bulshada dhexdeeda ugu loolamayeen  dhaqdhaqaaqyada afkaarta kala jaad-jaadka ahi, waxaanu buuggu farta ku fiiqayaa dhaqdhaqaaqyo ay ka mid yihiin;

  • Jamacah al- islaamiyaha,
  • Al-Islaamiya,
  • Xarakada Takfiirka,
  • Ansaaru-diin iwm.

Buuggu wuxuu sawir guud ka bixinayaa wacyigii iyo aqoontii dimeed ee bulshadu, bartii uu taagnaa wixii ka horreeyay lixdamaadkii, isaga oo ka hawaale-

warramaya kobocii wacyigaas diimeed iyo raad-raaciisii.

Ugu dambayn akhriska buuggani wuxuu kuu sahlayaa fahanka asal-raaca xarakaadka urur-diimeeddada Islaamka iyo ceelasha ay u kala arooraan feker ahaan.

BOGAADIN

Dr. Mohamed  Cabdi Daa’uud waxa aan ku bogaadinayaa sida kalsoonida badani ku jirto ee ugu dhiiriday xog-warranka sooyaalkan taariikheed ee rag badan oo dhiggiisa ahi ay xasaasiga halista ah u arkaan. Qof ahaanna waan jecelahay badheedhaha iyo ku dhaca gaar ahaanna marka ay joogto dunida afkaarta.

Waxa isna hambalyo mudan Cabdillaahi Cabdilaahi Beershiya  ( qoraaga buugga Milicsi) oo isna isku hawlay oo u istaagay in uu bulshada u iftiimiyo taariikho ummadda ka daahnaa, kuwaas oo wax ka ogaanshahooda duruus badani ku hoos duugan tahay.

DHALLIIL.

Waxa aan Dr. Maxamed Cabdi Daa’uud kaga aragti duwanahay tafsiirka uu saaray aragtida la yidhaa “Dialectical Materialism”  waxa aanan qof kasta oo xiisayna in uu wax ka fahmo aragtidan u soo jeedinayaa in uu akhriyo “Dialectical and Historical Materialism” Josoph Stalin.

Aniga oo ka shidaal qaadanaya aragtida QEC – Question, Evidence, Conclusion markaan ku miisaamay doodo dhawr ah ee aan qiimeeyay caddaymaha uu ku lifaaqay iyo hannaanka dhismaha dooddiisa waxa aan meelaha qaar saluugay in aanay caddaymuhu ku filnayn in ay xambaaraan gun-gaadhka ararta fekerkiisa. Tusaale aragtida bidixda fog ee uu Dr. Maxamed Cabdi Daa’uud ka qabo Sh. Maxamed Cabdiwahaab oo noolaa (1703- 1792) buugga basaaska Ingiriiska ah qoray ee la magac baxay “Confessions of a British Spy: British Enmity Against Islam” oo aan filayo in uu soo baxay 1868, caddayn aan ku go’aan qaadan karo marka aan qof Islaam ah qiimaynayo iigu ma filna.

Dhalliisha ugu dambaysa ee aan Dr. Maxamed Cabdi Daa’uud u soo jeedinayaa waa in halka uu ka isticmaalayo qabaa’il marka uu shakhsiyaad buugga ku jira sifaynayo ay ka wanaagsanaan lahayd in uu deegaanno ama sifooyin kale oo baadi-sooc adeegsado.

SOO-JEEDIN.

Qoraaga buugga waxa aan u soo jeedin lahaa in uu buugga u sameeyo “Footnote” uu ku sharxo qodobbo door ah oo dhigaalka buugga ku jira. Ugu dambayn waxa aan feker ahaan u arkaa in ay xiisaha buugga wax weyn ku soo kordhin lahayd, in  qoraaga buuggu geeddi socodka sooyaalka taariikheed ee Waxdadda ka dhex baadi-goobo saamaynta awoodo shisheeye oo dhaafsan nidaamkii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre oo si toos ah ama si dadban ururka u raadaynayay.

FG: Intiinii baraha bulshada kaga taxnayd lafo-gurkii iyo gorfeyntii aan ku samayn jiray aragtiyaha dhigaalka ah oo aan shantii sanno ee ugu dambeeyay si xidhiidha bartan idiinkula wadaagi jiray, waxa aan ka xumahay in aanan sannadkii tegay(2022) wax gorfeyn ama falanqayn ah idin la wadaagin.

“ Ma da’ furin ogaalkay,

Xaska daba maan gelin,

Derajadii ogaalkiyo,

Hibadii dalaysnayd,

Uma dhiibin duuduub,

Dub-u-dhigasho mooyee,

Wax is-doorshey may dhicin.” Hadraawi.

WQ;-Cabdinaasir Axmed Abraham