Goob ay ka socotay Munaasabad uuna ku sugnaa Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande waxaa laga maqlay rasaas dhalisay dhaawaca labo qof oo ku sugnaa meel ku dhaw halka ay xabada ka dhacday.
Mid kamid ah askarta ku fiican shiishka ayaa rasaas uu riday waxa ay dhaawac halis ah gaarsiiyeen labo qof oo ku sugnaa halka uu Madaxweynaha Faransiiska Khudbada ka jeedinayay, waxaana goobta laga dareemay argagax iyo cabsi.
Bbc-da ayaa ku warantay in askariga oo meel sare ilaalo ka hayay uu damcay in uu aag badasho sidaasna ay kaga fakadeen xabadaha dhaawaca gaarsiiyeen labo qof oo ku sugnaa goobta ay ka socotay munaasabada.
Xiliga ay xabada dhaceysay ayaa Madaxweynaha Faransiiska waxa uu khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu furayay goob tareen oo cusub, waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu hakiyay khudbadiisa marka uu xabada maqlay.
Xubno ku dhaw dhaw Madaxweynaha ayaa Warbaahinta u sheegay in uusan wax khal khal iyo argagax badan dareemin Madaxweyne Hollande marka ay xabadaha dhaceen, waxa uuna Madaxweynaha dadka weediiyay in ay jiraan cid ay dhibaato soo gaartay.
Madaxweyne Francois Hollande ayaa markii Munaasabada dhamaatay waxa uu booqday labadii ruux ee ku dhaawacmay xabadda oo kala ahaa ruux ka shaqeeya huteel deegaankaas ku yaalla iyo qof ka mid ahaa shaqaalaha shirkad dayactir ku samaysa tareennada.