Golaha Yurub Oo Faransiiska Dartiis u Qaaday Tallaabo Ku Saabsan Xijaabka Haweenka Muslimiinta Ah

0
268

Golaha Yurub Oo Faransiiska Dartiis u Qaaday Tallaabo Ku Saabsan Xijaabka Haweenka Muslimiinta Ah

Golaha Yurub ayaa madal ay ku kulmi lahaayeen ka saaray sawirada olole loo diyaariyay in lagu taageero, laguna ixtiraamo haweenka muslimiinta ah ee door bida inay xirtaan xijaabka, ka dib diidmada siyaasiyiinta Faransiiska.

Todobaadki hore ayaa golaha Yurub oo uu Turkiga xubin ka yahay daabacay sawirada loo diyaariyay in lagu soo bandhigo madal aqoon isweydaarsi, sawiradaas loogu ololeynayay in la baabiyo takoorka ka dhanka ah Muslimiinta.

Mid ka mid ah sawirada ayaa waxaa ku qornaa, “Quruxdu waxay ku jirtaa kala duwanaanshaha, sida xorriyadda ugu jirto xijaabka”.

Ka dib markii uu ololuha bilowday qaar ka mid ah siyaasiyiinta Faransiiska ayaa cambaareeyay fariimahan waxayna sheegeen in xijaabka ama garbasaarka matali karin xorriyadda.

Qaar ka mid ah haweenka Muslimiinta ah ee xirta xijaabka ayaa sheegay in falcelinta siyaasiyiinta Faransiiska ay ka dhigan tahay in aan la ixtiraamin kala duwanaanshaha iyo xaqa ay haweenka Faransiiska ku nool u leeyihiin in ay xirtaan waxa ay rabaan.

Wasiirka dhalinyarada ee Faransiiska Sarah El Hairy ayaa sheegtay in sawirada dumarka xijaaban iyo kuwa aan xijaabnaynba ay aad uga naxeen.

Wareysi ay siisay kanaalka Faransiiska, Hairy waxay sheegtay in sawiradan ay haweenka ku dhiirigelinayaan inay xirtaan xijaabka, ayna farriinta ay xambaarsan yihiin ka soo horjeeddo qiyamka cilmaaniga ah ee Faransiiska.

Golaha Yurub, oo Arbacadii BBC-da u warramayay, ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii mashruucan loogu soo bandhigi lahaa si ka wanaagsan sidan, isla markaana ay tirtireen qoraalladii ay ku faafiyeen barta Twitter-ka ee Golaha Yurub.
Afhayeen u hadlay golaha Yurub ayaa sheegay in fariimahan twitter-ka lagu wadaagay ay qayb ka yihiin ololaha ka dhanka ah hadalada nacaybka ah, waxaana ololahan waday waaxda golaha Yurub ee la dagaalanka takoorka.
Ololahan ayaa waxaa la diyaariyay bishii Sebtembar iyadoo la qabtay kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo uu Golaha la yeeshay ururka Femyso, kaasoo ay isugu yimaadeen ururrada dhallinyarada Muslimiinta ee Yurub.

Afhayeenka Golaha Yurub ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in ololahan uu ka tarjumayo oraahda shaqsiyaadka ka qeyb galaya aqoon isweydaarsiga, isla markaana aanu ka tarjumayn aragtida Golaha Yurub.

Madaxweynaha ururka Femyso, Hande Taner oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in ololahan uu wali socdo balse aysan garaneyn sababta Golaha Yurub ay u go’aansadeen in la tirtiro qoraalladan.

Taner waxa ay intaas ku dartay in dadaalka xubnaha laga tirada badan yahay ee da’yarta ay “ka xun yihiin in siyaasiyiin ay weeraraan “:

Falcelintan ayaa tusaale kale u ah dadka sheegaya in ay difaacayaan xorriyadda, sinnaanta iyo madax-bannaanida, kuwaas oo aan difaacin xuquuqda haweenka muslimiinta ah.

Is dhexgalka Muslimiinta iyo bulshada Faransiiska ayaa sanadihii ugu dambeeyay noqday mid ka mid ah arrimaha ugu muranka badan ee dalkaasi ka dhaca.

Faransiiska ayaa waxaa ku nool Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ugu badan Yurub kuwaas oo gaaraya ilaa 5 milyan qof.

Sannadkii 2011-kii, haweenka Muslimiinta waxaa laga mamnuucay inay indho-shareerka ku xirtaan goobaha dadweynaha.

Ololaha Golaha Yurub ayaa ka soo horjeestay labada xisbi ee bidix iyo midig ee Faransiiska, kuwaas oo u olo-oleeya in Yurub laga mabnuuco dhaqanka iyo labiska muslimiinta, gaar ahaan dumarka.

Inkasta oo aanu ku dhawaaqin in uu u tartamayo doorashada madaxtinimo ee sanadka soo socda, hadana saxafiga midigta fog ee Eric Zemmour ayaa sheegay in ololahani uu “ku dhiiri galinayo dadka reer Yurub in loogu dhex qariyo xijaabka”.

Siyaasiga kale ee midigta-fog, Marine Le Pen, oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn ee France ayaa tiri, “Haweenka waxaa la xoreeyaa marka ay xijaabka iska siibaan, ee ma aha marka ay qaataan”.

Hande Taner oo dhaleecaynaysa erayadan waxay tiri, “Haddii laga hadlayo xorriyadda, waa inay noqotaa mid caalami ah oo bulsha kasta qeyb ka tahay”