GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO DUUDUUB KU ANSIXIYEY MIISAANIYADD SANADEEDKA 2017-KA+TIRADA XILDHIBAANADA DIIDEY,KUWA ANSIXIYEY IYO KUWA KA AAMUSAY

0
629

Hargeysa( Halsan):- Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka kalfadhi ay iskugu yimaadeen waxay kaga doodeen ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2017-ka oo dhawaan loosoo gudbiyay golaha.

Waxaana kalfadhigan saaka hogaaminayey gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”,waxaana  kasoo xaadirey 67 xildhibaan.

Intaasi kadib Waxa la guda galay codaynta miisaanad sanadeedka 2017-ka ee losoo gudbiyey golaha,waxaana in la ansixiyo gacanta u taagay 43 xildhibaan,halka 17 xildhibaan ay diideen in la ansixiyo, 6 xildhibaana way ka aamuseen gudoomiyuhuna muu codayn.

Waxaana sidaasi lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadeedka 2017-ka oo dhawaan loosoo gudbiyey golaha isla markaana hortaalay,waxaana xusid mudan in dorraad ay mudanayaashu ka doodeen ansixinta miisaaniyaddaasi,balse golaha uu ka dhashay buuq iyo sawaxan iyaga oo xildhibaanada qaar kamid ahna uu dhex maray dagaal gacan ka hadal ah,waxaana hakad la galiyey ansixinta miisaaniyadaasi.