Go’aanka maxkamadda sare waa guul darro ku habsatay qaranka Somaliland waxaanay jidaysay xeer cusub oo saamayn xun ku yeelan doona siyaasadda Somaliland:

0
694

Go’aanka maxkamadda sare waa guul darro ku habsatay qaranka Somaliland waxaanay jidaysay xeer cusub oo saamayn xun ku yeelan doona siyaasadda Somaliland:

Awooddii garsoor ee maxkamadda sare lahayd waxay gacanta u gashay xukuumadda oo u yeedhisa go’aanka ay rabto. Marka la waayo garsoor madax banaan oo loo siman yahay waxa burburta oo dhimata xuquuqda bulshada oo ay ugu horrayso cadaalad iyo sinaan. Kalsooni darrada ka dhalata garoorka lumay iyo cadaalada cirka lagu laalay, waxay abuurtaa kacdoon bulsho oo ku jihaysan nidaamka markaas jira ee afduubay madax banaanidii garsoorka dalkaas. Haatan Somaliland waxa soo foodsaartay xaalad cusub oo ugub ku ah siyaasadda dalka. Maxkamaddu sare waxay jidaysay maanta arrimaha hooos ku xusan

In Golaha Guurtidu yahay awoodda u sarraysa dalka ee aan sharci iyo distoor midna u baahnayn oo go’aan kasta oo aay gaadhaan uu sidiisa ansax ku yahay cidina aanay ka daba hadli Karin,
In Golaha Guurtidu burin karo go’aan kasta oo iyo wareegto kasta oo madaxweyne la doortay soo saaray
In golaha guurtidu uu laali karo heshiis kasta oo ay gaadhaan axsaabta qaranku oo aanu jiri Karin xal siyaasadeed oo ay marnaba gaadhi karaan xisbiyada qaranku
In Golaha Guurtidu yahay ha’adda u sarraysa ee go’aamin karta xilliga doorasho kastaa dalka ka qabsoomayso oo aan loo baahnayn komishanka qaranka xaqna aanay u lahayn muddaynta doorashada
In Golaha Guurtidu aanu u baahnayn sharciyad loo raaco go’aanka ay gaadhayaan isla markaana aan la weydiin Karin waxa ay u cuskadeen muddo kordhinta
In maxkamadda sare ee dalku aanay madax banaanayn oo ay hoos timaaddo waaxda fulinta ama xukuumada
In ku dhaqanka dastuurka dalku uu yahay wax laga maarmi karo hadduu waafiqi waayo danta xukuumadda talada haysa
Qodobadaas iyo kuwo kale ayaa maanta dhaqan galay waxaanay ka mid noqon doonaan xeerarka ansaxay ee hadhow ay cid kastaaba soo qaadan doontu kuna anadcoon doonto.

Guul darada garsoor ee maxkamada sare u horseeday Somaliland waxa natiijada ka dhalata ay saamayn doontaa dhamaan hay’adaha dalka oo ay ugu horyaso xukuumaddu. Haddi ay sax tahay in cid aan la dooran( Guurti) inoo taliso oo ka awood badantay madaxweyne, wakiilo, komishanka qaranka, iyo maxkamadda sare oo intaba la soo doortay, waa ceeb inaan sheeganno dawlad iyo dal dimoqraadiyad ka jirto cid inaga aqbalaysa ama wax inaga qoraysaana ma jirto. Jawaabta beesha caalamku ay ka bixiso arrintan waxay noqon kartaa sidatan

In dib loo eego hanaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland ku andacooto
In la joojiyo taageeradii dhaqaale ee loo fidin jiray Somaliland
In loo aqoonsado Somaliland wadan aanay ka jirin xasilooni siyaasadeed sidaa darteed ay ka baxaan ha’ado badan oo beesha caalka ka jooga
In aanay Somaliland lahayn garsoor madaxbanaan sidaa darteedna lagu sameeyo dabagal xaga xuquuqul insaanka ah
In aan lagala shaqayn Somaliland madaxbanaanida ay raadinayso maadaama ay ku fashilantay geeddi socodkii siyaasadda axsaabta badan
Arrimahan waa dhibaato guud ahaan saamayn xun ku yeelan karta dalka mucaarad iyo muxaafidba waa loo siman yahay dhaawaca qaranka soo gaadha. Khasaraha baaxaddaas leh iyo magic xumada intaas leeg waxa maanta masuul ka ah xukuumadda talada haysa ee dhegaha furaysatay, indha duubatay, qalbigana xidhatay oo sharcigii dalka gubtay garsoorkiina liqday.

By: Cabdixakiim Muuse Cali