geesinamadii cirro iyo fashilkii mooshin qutayasha waxay ahayd
dhirbaxo kulul oo ku dhacday dilaalinta hantida qaranka
(by: Abdiqani Ali Yusuf Dirir; a young political analyst and commentator for global issues)
Hantida qaranka somaliland waa ma guurto ay wada leeyihin shacbiga reer somaliland min lawyo
caddo,saylac borama ila inta u dhaxaysa sool bari ilaa sanaag bari.!!! waa asset u qaranku wada
leyahay una dulqadanmayno in cid gaara kooto looga dhigo….waayo 26 june 2010 markii ay
xukumada kulmiye ay ku gulesatay talada dalka waxa ay hamihi ka wareejisay shirkaadi privateka
ahayd ee total dadkiina way u riyaaqeen wana la bogaadiyey, maantana waxay leeday waxan u
dhibaya shirkado private ah..marka ma waxa weeye xaydha jecli beerka jecli…waxan aragna in
boobka dhulku gadhay halkii ugu saraysay waxa marag uma doon ah in hantidi qaranka dano
shakhsi darteed loo xaraashayo.waxa aan ka wada dheregsanahay in tacadiyadii ciidamada
policeka iyo wererada qorshaysan ee la doonayey in lagu cabsi geliyo siyasinta iyo haldoorka
umada ee xaqu dirirka ah. Musuqmasuqa iyo isdaba mariinta hantida umada waxay noqotey caado
ay qabatimeen xukmada kulmiye dhiigi umadana ay ku miiranayaan. Siyaasadi arimaha dibadada
ee Somaliland waxay noqotey mid soo oodanta cadawgana ka qoslisa edegi xeradana lama fidin si
gobolada Somaliland ay dorasho xor iyo xalaali ka dhacdo .manta ayay ugu darnayeeno sharcigi
golaha wakilada si badheedh ah u jabiyeen oo ay damceen in ay danahooda shakhsi ku fushadan
iyagoo bal maray xeer hoosadkii shirguudonka gacan ka hadalna ka dhex bilabay gurigi sharci
dajinta oo ay noqotay goob dagal…weligeed ma dhicin s.land qarar uu gole wayne gadhay in uu
madaxwaynuhu si ula kac ah u laalo distoorkana meel ay kaga taalana ma jirto….xukumada tamarta
daran ee cadceedeedu si dhacayso lumisaynay kalsoonidi shacabka lana aqoonin cida shookanta u
haysa iyo meeshay ku danbaynba… mantuunba raqdeedi haadku dulmeeraya…Waxana soo if